Isku aadka Tartanka Maamul Goboleedyda dalka oo la soo saaray

Image

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa soo saartay isku aadka tartanka maamul goboleedyada dalka oo 7-da bishan ka furmaya magaalada Muqisho.

Isku aadka ayaa wuxuu ka koobanyahay 2 horin oo kala ah A iyo B, iyadoo horin waliba wada galay 3 kooxood maadaama tartanka ay ka qeyb galayaan 6 kooxood.

Horinta koowaad ee A ayaa waxaa nasiib u yeeshay in ay wada galaan kooxaha Jubbland, Banaadir iyo Galmudug oo sanadkii la soo dhaafay tartankan qeybaha dhexe lagu reebay.

Horinta labaad ee B ayaa waxaa wada galay kooxaha Hishabeelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland oo tartankan difaacneysa isla markaana sanadkii hore ka adkaatay ciyaartooydii matalayay maamulka Jubbaland.

Magaalada Muqdisho ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah marti galineysa dhacdo ciyaareedkan oo ah mid aad u xiisa badan waxaa horay lagu madalsanaa in tartanka sanadkan uu ka furmo magaalada Kismaayo laakiin suurtagali waysay.

Waxay ka dambaysay arintan markii Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha mamaulka Jubbaland ay sheegtay in Kismaayo aysan u diyaarsaneyn marti galinta tartankan, sidaasi darteedna codsatay in lagu qabto magaalada Muqdisho.

Tartanka maamul goboleedyada dalka ayaa la filayaa in todobaadkan uu ka furmo magaalada Muqdisho waxaana kulanka ugu horeeya ee tartanka sanadkan foodda is dari doona Ciyaartooyda Banaadir iyo kuwa Jubbaland

Akhriso Sida ay isugu beegmaan Kooxaha Kubadda cagta ee maamulada.

Guruub A: Jubbaland, Banaadir iyo Galmudug

Gurub B: Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Puntand.

Kulanka ugu horeeyay waxaa la filayaa inay ciyaaraan Kooxaha Banaadir iyo Jubbaland maalinta Jimcaha ee soo socota.

Jadwalka ciyaaraha:

Garowe Online

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM