Jubbaland oo Dacwad ka keentay guuldaraddii ciyaartii shalay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Xiriirka Kubbada cagta maamulka Jubbaland ayaa soo saaray dacwad ka dhan ah gobolka Banaadir, kadib guuldaradii ay kala kulmeen Kooxda kubada cagta maamulkaasi ciyaartii shalay ka dhacday Muqdisho.

War Saxaafadeed uu xiriirka soo saaray ayaa lagu sheegay in lagu xad-gudbay sharuucda tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada, islamarkaana lagu soo daray Kooxda gobolka Banaadir ciyaaryahan ajnabi ah.

Qoraalkan dacwada ah waxaa loo gudbiyay Wasaaradaha Dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland, iyadoo looga codsaday inay go'aan kasoo saaraan cida ku xadgudubtay xeerka ciyaaraha maamul goboleedyada 2017.

Xiriirka Kubbada cagta Jubbaland ayaa sheegay in ciyaaryahan u dhashay dalka Kenya, oo u ciyaara mid kmaid ah Kooxaha Heerka kowaad ee dalka uu kamid ahaa ciyaaryahanadii shalay la ciyaaray kooxda Jubbaland, oo looga badiyay 2-1.

Lama sheegin magaca ciyaarayahankan, iyadoo aan jirin wax war ah oo kasoo baxay xiriirka kubbada cagta gobolka Banaadir oo ku aadan eedayntan ah inay jebiyeen sharciga ciyaaraha socda.

Hoos ka akhri war saxafadeedka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM