Kabtanka Man City oo ka qalin jabiyay Jaamacad ku taalla Ingiriiska

Image

Kabtanka kooxda Manchester City Vincent Kompany ayaa ka qalin jabiyay jaamacada Manchester University isagoo ka aflaxay cilmiga maareynta ganacsiga ee loo yaqaano Business Adminstration.

Xidigan heerka caalami ayaa ka guul ka gaaray ciyaarista kubada cagta laakiin waqtiga uu ku bixiyay ciyaarista kubada cagta ayaan qasaarin maadaama uu arday ahaa laakiin Kompany ayaa maanta ka qalin jabiyay jaamacada Manchester University.

Kompany ayaa sheegay in uu ogaa muhiimada ay leedahay waxbarashada hadana uu doortay in uusan lumin hamiga uu ka lahaa kubada cagta isagoo qaatay shahaadada  loo yaqaano Master Degreee.

Kabtanka Manchester City oo la hadlyay website-ka jaamacada uu ka qalin jabiyay ayaa yiri "mar walba waxaan ogaa qiimaha ay leedahay in aad waxbarato hadana kubada waxay ahayd hamigeyga koowaad".

"hooyadey oo hada aan joogin dunida ayaa igula talisay in aan barto cilmiga maareynta ganacsiga waan ku xasuusan doonaa waligey taladaasi aan ka mira dhaliyay".

Daafacan u dhashay Belgium ayaa heer sare ka gaaray kubada cagta isagoo dhaqaalo ka abuuray ciyaarista kubada cagta isagoo sheegay in clmiga uu bartay uu ka caawin dooni in uu ogaado dhaqaalihiisa.

Kubada cagta waxaa aad ugu yar ciyaartooyda ka soo baxa jaamacadaha laakiin Vincent Kompany ayaa ku biiray ciyaartooyda jaamacadaha ka soo baxay ee ku lug leh kubada cagta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM