Kulankii Galmudug iyo Jubbaland oo baaqday [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War goordhaw soo baxay ayaa sheegaya in gabi ahaan uu baaqday kulankii dhexmari lahaa ciyaartooyda maamulada Jubbaland iyo Galmudug.

Kulankan ayaa ka tirsanaa horinta ama Group-ka A waxaana ku wada hardami lahaa ciyaartooyda maamulada Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo kulanka baaqday uu ahaa mid lagu go,aamin lahaa kooxda labaad ee ka soo baxda horinta A.

Shirka Khamiislaha ah ee golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa looga dhawaaqay in kulanka uu baaqday isla markaana jadwal kale loo sameyn doono si loo ciyaaro kulankaasi.

Sababta kulanka loo baajiyay ayaa ah in kulanka saameyn uu ku yeeshay qarax galinkii hore ee maanta ka dhacay xarunta tababaraka ciidamada booliska ee General Kaahiye.

Ilo ku dhaw-dhaw wasaarada dhalinyaraha iyo ciyaaraha ayaa laga soo xigtay in ciidamada booliska ay qeyb weyn ka qaadanayeen ilaalada garoonka Banaadir Stadium maadaama ay dhibaato ka soo gaartay ciidamada golaha wasiirada ayaa qaatay go,aanka lagu baajiyay kulankaasi.

Dhinacyada ku hardami lahaa kulanka ayaa lagu wargaliyay in kulankaasi uu baaqday isla markaana aysan soo xaadirin garoonka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka birito lagu waday in la ciyaaro ee Koonfur Galbeed iyo Puntland waxba aysan iska badalin oo birito la ciyaari doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM