Luis Suarez oo Ganacsi cusub ka furtay Magaalada Barcelona

Image

Weeraryahanka kooxda kubada cagta ee Barcelona Luis Suarez ayaa maqaaxi laga cunteeyo ka furtay bartamaha magaalada Barcelona ee dalka Spain.

Maqaaxida uu furtay ciyaariyahan Suarez ayaa loogu magac daray Chalitto waxaana uu ka furay mqaaxidaasi meel aad ugu dhaw dhismaha Rambla de Catalunya.

Maqaaxida cusub ee Luis Suarez ayaa noqoneysa ganacsigii labaad ee xidigan uu ka sameysanayo gudaha magaalada Barcelona horay ayuuna magaaladasi uga furtay goob nasiino ah oo laga cuneetyo oo loo yaqaano Chiringuito.

Lusi Suarez ayaa saaxiib la ah laba qof oo walaalo ah oo lagu kala magacaabo Leo and Mariano kuwaa oo ka soo jeeda dalka Argentina waxaana ay maamulaan maqaaxida cusub ee Luis Suarez .

Maqaaxida cusub ee uu furtay Suarez oo ku taalla bartamaha magaalada Barcelona ayaa xayeysiin dhawaan loo sameeyay waxaa lagu sheegay in maqaaxida ay sameyn doonto cuntooyinka dabiiciga ah iyo dalaga laga beerto dalka Spain.

Marka laga soo tago ganacsiga gaarka ah ee Suarez xidigan ayaa ku jira waayo aan fiicneen isagoo sameenaya bandhig aan horay looga baran wuxuu dhaliyay 2 gool oo kaliya dhamaan kulamada kooxdiisa xagaagan ay ka ciyaartay horyaalka Laliga ee dalka Spain.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM

Cristiano Ronaldo oo Heshiis Laba Sano ah la Saxiixday Al-Nassr

Ronaldo ayaa dad badan u arkaan inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee kubadda cagta abid.

  • Cayaaraha

    27-06-2025

  • 07:06AM