Manchester United oo Nemanja Matić weyn karta kulanka Arsenal

Image

Kooxda kubada cagta ee Manchester United ayaa cabsi xoogan ka qabta in ay waayaan kulanka Arsenal mashinka qadka dhexe ee Red Devills Nemanja Matic.

Matic ayaa sheeganaya dhaawac dhanka muruqa waxaana xidigan badal looga saaray ciyaartii dhawaan Manchester United ay guusha ka gaartay kooxda Watford.

Matic ayaa xubin muhima ka ahaa kooxda Manchester United tan iyo markii uu kooxda ugu soo biiray lacag dhan 40 Milion isagoo ka soo dhaqaaqay garoonka Staform Bridge ee kooxda Chelsea.

Jose Mourinho ayaa qiray in awooda kooxdiisa la wiiqay kadib markii uu Matic badal uga saaray ciyaartii Watford taa oo ka dhigan in Matic uu lagama maarmaan u yahay Manchester United.

Kooxda Manchester United ayaan wali si rasmi ah u shaacin in laacibka reer Serbia Nemanja Matic uu seegi doono kulanka Arsenal dhaqtiirta Manchester United ayaa wali baaraya heerka dhaawaca soo gaaray Matic.

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa sidoo kale sheegay in uu wali kabasho uu ku jiro Martial isna dhaawac fudud uu qabo laakiin Jose ayaa cadeeyay in Martial uu diyaar u yahay kulanka Arsenal.

Jose Mourinho ayaa wararka ugu danbeeya kooxdiisa ee ku aadan kulankan Arsenal si wanaagsan faah-faahin uga bixin doonaa galinka danbe ee maalinimada Jimcada ah oo uu qaban doono shirkiisa jara'id ka hor kulanka Sabtida Old Trafford ay ku qaabili doonaan kooxda Gunners.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM

Cristiano Ronaldo oo Heshiis Laba Sano ah la Saxiixday Al-Nassr

Ronaldo ayaa dad badan u arkaan inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee kubadda cagta abid.

  • Cayaaraha

    27-06-2025

  • 07:06AM