Mo Faarax oo shaaciyey xirfad layaab leh uu bilaabi doono

Image
Shaqadan ayuu ka dhawaajiyey in uu qaban doono marka uu ka fadhiisto ciyaaraha oradka.

LONDON, Britain - Sir Mo Farah ayaa wuxuu qorsheynaya in uu shaqo la yaab leh oo ah in uu telefishinada ka madadaaliyo carruurta qabto kadib marka uu ka fadhiisto cayaaraha fudud ee oradka.

Xidigan dheeraya ayaa kalsooni fiican wuxuu ka muujiyey in uu kasoo dhalaali doono xirfaddaas, isaga oo tibaaxay in uu quudareynyo in uu sii bilaabo marka la gaaro dhamaadka xirfadiisa.

Aabahan afarta caruur leh ayaa u sheegay Daily Star Sunday: "Waxaan rabaa in aan ka mid noqdo bandhigga TV-ga carruurta oo aan ka noqdo soo jeediye. Waan jeclaan lahaa taas sababtoo ah anigu waxaan ahay ilmo weynaadey".

"Waxaan rabaa in aan ka qayb qaato xirfaddaas si aan u caawiyo in carruurtu ay noqdaan kuwo firfircoon," ayuu Mo Faarax ka dhawaajiyey.

Mo, oo 38 jir ah, ayaa muujiyey sidda uu u jeclaan lahaa in djb loogu celiyo caruurnimadda "si aan u saxo qaladaad  adan oo iga dhacay". Wuxuu kaga dhigayaa caruurtiisa inay qooraan taariikh aan dhaxal lahayn.

Wuxuu yiri: "Mar walba waan ka xishoodaa iyaga. Maalin dhaweyd oo aan baabuur watay oo UB40 dhegaysanayay ayaan dariishada ka dejiyay. Carruurtu mid kamif ah wuxuu igu ‘Aabe, maxaad samaynaysaa?’

Ka dib markii aan ku tartamay I'm A Celebrity sanadkii hore, Maxamed Faarax oo asal Soomaali ah ayaa isku dayaya waxyaabo cusub in ka badan sidii hore.

Sir Mo Farah waa mid ka mid ah orodyahanada loogu jecel yahay Britain, balse waxa uu ku dhow yahay inuu daldalo xirfadiiaa. Marka uu sameeyo, wuxuu rabaa inuu sameeyo isbeddel xirfadeed oo la yaab leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM