​Mo Farah oo guuldarro kasoo gaartay Tartanka London

Image
Image
Image
Image

Cayaaryahanka Asalkiisu yahay dalka Somalia, balse u orda waddanka Britain ayaa xalay ku guuldarraystay inuu qaado Billada Dahabka ah ee Orodka Shanta Kun ee Mitir, kadib markii daqiiqadihii ugu dambaysay lagala wareegay hogaanka.

Mo Farah, wuxuu ku dhameystay kaalinta labaad, kadib marki uu gaari waayey Muktar Edris oo ah orodyahan u dhashay dalka Ethiopia, kaasoo ku guuleystay billada dahabka, halka Mo Farah uu helay bilada qalinka.

Edris oo da'diisu tahay 23 ayaa billadan markii ugu horaysay ku guulastay.

Cayaaryahannadan kasoo jeeda Qaaradda Africa ayaa ka qayb galayay tartanka ciyaaraha atleetikada Aduunka ee ka soconayo magaalada London.

Farah ayaa markii shanaad billadan la hoyan lahaa hadii uu ku guulaysan lahaa tartanka, waxaana warar aan la xaqiijin sheegayaan in hadii uu hanto goobkan uu ka fariisan lahaa Orodka caalamiga ah.

Maxamed Faarax ayaa marnaba ku guuldareysan ciyaar Final muddo 2,176 maalmood, isagoo horay ugu guuleystay orodka 10,000 iyo 5,000m ee sanadihii 2013 iyo 2015.

Todobaadki hore ayey aheyd marki uu qaaday billada dahabka ee orodka 10-ka kun ee mitir.

Waa marki labaad oo uu ku dhacay inuu qaado bilada dahbiga ah dhamaan tartamadi caalamiga ahaa ee uu ka qeybgalay Mo Farah tan iyo sanadki 2011-ki. Mudadaasi wuxuu urursaday 10 billadood oo dahab ah iyo laba billaad oo qalin ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM