N'Golo Kante oo loo doortay xidigii ugu wanaagsanaa France 2017

Image

Laacibka qadka dhexe uga ciyaara kooxda kubada cagta ee Chelsea N’Golo Kante ayaa ku guuleystay ciyaariyahankii ugu wanaagsanaa dalka France sanadka 2017.

Kante ayaa labadii  sano ee la soo dhaafay kor u qaaday koobka Premier League isagoo kula guuleystay kooxaha Chelsea iyo Leicester City.

Abaal marinta uu helay xidigan ayaa waxaa bixisa sanad waliba shabakada France Football Magazine codeynta abaal marintan ayaa waxaa ka qeyb qaata ciyaartooyda iyo macalimiinta hora abaal marinta ugu soo guuleystay.

Dadka sanadkan codeeyay abaal marintan ayaa waxaa kamid  ahaa laacibka kooxda Atletico Madrid Antonio Greizman oo sanakii hore ku guuleystay tabaraha xulka France iyo madaxweynihii hore ee UFEA Michel Platini.

Kante oo sanadkan abaal marinta ku guuleystay ayaa wuxuu ku garaacay ciyaartooy ay kamid yihiin Pogba Benzema, iyo Kylian Mbappe waxaana uu helay 92 cod.

Qabiirka qadka dhexe ka xamaasha ee Kante ayaa sanadka sii dhamaanaya ee 2017 ku guuleystay abaal marino shaqsiyadeed isagoo jooga Chelsea oo uu kaga soo biiray kooxda Leicester City fasal ciyaareedkii 2015.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM