Nin ka danbeeyay weerarkkii kooxda Bourssia Dortmund oo la qabtay

Image

Sergei oo ah nin u dhashay dalka Jarmalka balse heysta dhalasho Ruushka ah ayaa qirtay in uu ka dambeeyay weerar bishii April ee sanadkii la soo dhaafay lagu qaaday Gaari ay la socdeen ciyaartooyda Borussia Dortmund. 

Ninkan ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla Galbeedka dalka Jarmalka, isagoo sheegay in uusan u qaadin weerarkaasi inuu qof dilo isla markaana uu ka shalanaayo ficilka uu fuliyay. 

Weerarkan ayaa dhacay 11-kii April 2016 waxaana mar qura bambo gacmeed lagu tuuray gaari ay la socdeen ciyaartooyda Borussia Dortmund, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay xidiga xulka Spain ee Marc Bartra oo xiligaasi dhaawac fudud uu gacanta ka soo gaaray. 

28 jirkan qirtay in weerarka uu ka danbeeyay ayaa sheegay in uusan si u kala kac ah ugu qaadin kooxda laakiin uu damacsanaa in weerar ka fuliyo meel aan ka fogeen halka uu taagnaa gaariga kooxda Borussia Dortmund oo xiligaasi isku diyaarineysay kulan Campions League. 

Maxkamada ayaa sheegtay in wali ay socon doonto dhageysiga kiiska isla markaana lagu dhawaaqi doono ciqaabta uu muteysto Sergei markale maadaama uu qirtay in uu galay fal danbiyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM