Philippe Coutinho oo heshiis horudhaca la gaaray Barcelona

Image

Wararka ka imaanaya magaalada Madrid ee caasimada Spain ayaa sheegaya in ciyaariyahanka Liverpool iyo Brazil Philippe Coutinho uu heshiis horudhaca la gaaray kooxda Barcelona.

Warsidaha Diaro Gol oo Spain ka soo baxa ayaa daabacay in heshiiska horudhaca ee Coutinho iyo Barcelona ay wada gaareen salka loogu dhigay qiima gaaraya 135 Milion oo la siin doono Liverpool si Coutinho looga soo afduubto.

Xagaagii lasoo dhaafay ayaa la xasuustaa in Barcelona ay ku hungowday ilaa sadex dalab oo ay ku doonayeen Coutinho laakiin maamulka Liverpool ayaa gabi ahaan iska indha tiray dalabyadii Coutinho looga doonayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in la isla meel dhigay lacagaha la siin doono Liverpool sidoo kale waxaa la shaaciyay in ay jiraan heshiis si hoose u dhexmaray Coutinho iyo maamulka Barcelona laakiin waxaan la shaacin cadada uu Coutinho kasban doono marka Janaayo uu caga dhigto Camp Nou.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Coutinho uu heshiis 4 sano ah uu la gali doono kooxda Barcelona heshiiskaasi ayaana la sheegay in Coutinho uu ka idlaan doono sanad ciyaareedka 2023 waa hadii uu guuleysto qorshaha Coutinho uu ku tagayo gobolka Catalonia.

Hadii Coutinho uu Janaayo ku biro Barcelona uma ciyaari doono Barcelona tartanka Champions League maadaama horay uu marxalada Guruubyada ugu soo ciyaaray kooxda Liverpool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM