Rag dacwad loogu soo oogay in ay dhici rabeen ciyaartoy caan ah

Image

LONDON, UK – Laba shaqsi ayaa waxaa dacwad loogu soo oogey in ay isku dayeen dhac ay London ugu geystaan ciyaartoyda kooxda kubada cagta Arsenal ee Mesut Özil iyo Sead Kolasinac.

Booliska caasimadda Boqortooyadda Ingiriiska oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa wuxuu Talaadadii, 24-ka September 2019-ka, si cad u xaqiijiyey dhacdadan.

Ashley Smith iyo Jordan Northover ayaa sidoo kale waxaa si wadajir ah loogu soo eedeeyay in ay shaqsi kale ugu hanjabeen "hub weerar aargoosi ah".

Laacibka reer Germany ee asal ahaan Turkiga kasoo jeeda Ozil iyo saaxiibkii ay isku kooxda yihiin una dhashay Bosnia ee Kolasinac ayaa falka loo geystay 25-kii July.

Dableyda oo ku hubeysnayd Toorey watayna Mooto nooca labada lugood leh ayaa xiligaas hareereeyay gariga uu saarnaa Ozil xili uu ku sugnaa waqoyga London.

Sikastaba, kadib markii ay seegeen kulamo badan oo fasal-ciyaareedkan ah, Ozil iyo Kolasinac ayaa si rasmi ah u bilaabay in ay kooxdooda u dheelaan.

Arsenal ayaa shaxda kala sarreynta Premier League kaga jirta kaalinta 4aad iyadda oo leh 11-dhibcood. Shantii kulan ee u dambeysay laba waa barbar dhac; laba guul iyo mid guul daro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM