​Real Madrid oo ku guulaysatay Champion League

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Kooxda Real Madrid ee ka dhisan waddanka Spain, ayaa markii 11-aad ku caaw ku guulaysatay horyaalka kooxaha Yurub ee Champion League, kadib markii Rigoorayaal ku garaacday kooxda ay xifaaltamaan ee Atlantic Madrid.

Kulankan, ayaa aad u adkaa, waxaana la isla dhaafay waqtigii caadiga ah iyadoo lagu daray 30 daqiiqo oo dheeraad ah, kadib markii cayaarta la isla dhaafiyay waayay bareeyo min hal gool ah.

Real ayaa goolka koowaad la hormartay, waxaan u dhaliyay Kabtankooda Sergio Ramos, balse waxaa arrintaasi beeniyay cayaaryahan Yannick Carrasco qaybtii labaad ee cayaarta bareejada u keenay kooxda Atlantic Madrid.

Wixii ka dambeeyay waqtigaas, waxay cayaartu u muuqatay mid daallan, waxaana dhaawacyo kala duwan soo gaareen laaciibiinta labada kooxood, waxaase jiray fursado muhiim ahaa oo labad dhinac abuureen.

Ugu dambayn, wuxuu xalku noqday in loo dhigo gool ku laad, waxayna kusoo idlaatay 5:3, guushu ku raacday kooxda Boqortooyada Spain.

Daafaca midig Juan Fran ayaa rigooradii afaraad ka qasaariyay Atletico Madrid taasoo fursad u siiyay Cristiano Rolando inuu guusha u xaqiijiyo Real Madrid isagoo shabaqa dhex dhigay rigooradii guusha.

Waa markii labaad oo Real Madrid ay koobka Champions League gacantooda ka bixiso kooxda Atletico Madrid, waxa ay sidoo kale ka qaadeen sannadii 2014 oo ay isla gaareen finalkii Lisbon.

Kabtan Sergio Ramos ayaana kor u qaaday koobka Champions League caawa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM