Ronaldo oo been abuur ku tilmaamay xafiiltanka Ballon d’Or ee Messi

Image

Cristiano Ronaldo ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray qabanqaabiyaha Ballon d’Or Pascal Ferre, isagoo sheegay in tafatiraha guud ee majaladda France Football uu “been ka sheegay” xifaaltanka uu kala dhaxeeyo Lionel Messi.

Ferre ayaa Jimcihii u sheegay New York Times in hamiga kaliya ee weeraryahanka Manchester United Ronaldo uu yahay inuu ka fariisto abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican adduunka marka loo eego Messi.

“Pascal Ferre been ayuu sheegay, magacayga ayuu isticmaalay si uu naftiisa u xayaysiiyo iyo in uu kor u qaado daabacaadda uu u shaqeeyo” ayuu Ronaldo oo shan jeer abaal-marintan ku guulaystay ku sheegay bartiisa Instagram-ka Isniintii.

France Football si degdeg ah uguma jawaabin codsi email loo soo diray oo ku saabsanaa in wax laga laga hadlo qoraalka Ronaldo.

“Mar walba waxaan u guulaysta nafteyda iyo kooxaha aan matalo, waxaan u guulaysta nafteyda iyo kuwa i jecel, kama badiyo qof kale,” ayuu hadalkiisa raaciyay weeraryahanka Portugal.

"Hamiga ugu weyn ee xirfadeyda waa inaan ka tago magacayga oo ku qoran xaraf dahabi ah taariikhda kubada cagta aduunka."

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM