​Sevilla oo ku guulaysatay Euro League

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Kulan aad u xiisa badnaa oo xalay dhexmaray labada kooxood ee kala ah Liverpool iyo Sevilla ayaa ku dhammaatay natiijo ah 3:1 oo guushu ku raacday kooxda ka dhisan waddanka Spain.

Cayaartan ayaa qaybtii hore u muuqatay mid labada kooxood daganaan dheelayaan islamarkaana mid walba ilaashanaysay in shabaqooda la taabto, hase ahaatee waxaa gool ku hormartay daqiiqadii 35-aad kooxda waddanka Ingiriiska ka dhisan ee Liverpool, waxaana u dhaliyay xiddigooda weerarka ka cayaara ee Sturridge.

Qaybtii hore ayaa ku dhammaatay 1:0, balse waxay isbadashay wareegii dambe iyadoo kooxda Sevilla soo bandhigtay cayaar cajiib ah, waxayna iska soo gudday goolkii lagu lahaa iyadoo ugu badashay labo kale, waxaan labo kamid ah u dhaliyay xiddigooda Coke, halka mid kale uu shabaqa dhex dhigay Gamiero.

Kooxdan reer Spain  ee Sevilla ayaa sannadkii saddexaad oo isku xigta ku guulaysatay koobka loo yaqaan Euro League.

GAROWEONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM