Taallo uu Messi ku lahaa Argentine oo la Jabsaday [Sababta + Sawirro]

Image
Image
Image

Wararka ka imaanaya magaalaa Buenos Aires ayaa sheegaya in la jabsaday taalada ciyaariyahan Messi uu u leeyahay dalka Argentina booliska ayaa xaqiijiyay in qeyb kamid ah taalada ay maqantahay.

​Sawiro taalada laga soo qaaday kadib dhacdada ayaa muujiyay in qeybta lugaha ee taalada uu ku matalyo ciyaariyahan Messi la jabsaday.

Taaladan oo ah mid lagu sharfay ciyaariyahan Messi ayaa waxay ku taalla wado istiraatiiji ah oo lagu magacaabo Costanera Sur booliska ayaa sheegay in baaritaan ay ku hayaan cida falkan geysatay.

Falkan ayaa ah kii labaad ee lagu jabsaday Taallada Messi uu ku leeyahay dalka Argentina waxaana horay dhaawac kan lamid ah taallada Messi la gaarsiiyay bishii Janaayo ee sanadkan.

Halka ay ku taallo taalada Messi ayaa sidoo kale waxaa ku yaalla dhowr taallo oo loo dhisay geesiyaasha ispoortiga ee dalkaasi waxaana taalladiisu ay garabka ku heysaa taallada teenisyahankii hore ee dalka Argentina Gabriela Sabatini.

Wali lama oga cida ka danbeysa falkan laakiin Booliska magaalada Buenos Aires ayaa sheegay in ay baarayaan cida ka danbeysa falkan isla markaana cadaalada la hor keeni doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM