Tababarihii xilka kubada cagta Ingriiska oo is-casiley

Image

LONDON- Tababarihii xulka kubada cagta Ingriiska ayaa sheegey inuu aad uga xun yahay inuu shaqada ka tago.

Sam Allardyce ayaa isagoo la hadlaya saxafada sheegey " inuu aad uga xun yahay" in uu baneeyey xilkii tababaraha dalka Ingriiska 67 casho kadib markii loo magacaabey.

Shaqo ka tagista Sam Allardyce ayaa timid kadib markii jariidad kasoo baxda dalka Ingriiska ay sheegtey in tababarahaan uu talo bixin waydiistey nin Ganacsade iska dhigey sidii looga boodi lahaa shuruucda kala iibsashada cayaartoyda.

Tababarahaan ayaa raali galin weyn ka bixiyey talaabadan isaga oo sheegey in ceeb  ku tahay.

Ururka kubada cagta dalka Ingriiska "FA"ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegey in hab dhaqanka tababarahaan uu ahaa mid aan loo baahneyn iyagoo xusey in qandaraaskii shaqo ee Sam Allardyce si la isku afgartey daaaqada looga tuurey.

Gareth Southgate ayaa loo xilsaarey inuu tababaraha xulka dalka Ingriiska sii ahaado Afarta cayaarood oo soo socda.

Fadeexada ku dhacdey Sam Allardyce ayaa timid kadib markii wariye ka tirsan jariidada Daily telegraph iska soo dhigey nin ganacsade ah isagoo u sheegey tababarahan inuu yaaqaano dulaaley si fiican xarfaan ugu ah baal-marista shuruucda kubada Cagta Ingriiska marka la kala iibsanayo cayaartoyda.

Warbixinta jariidadaan ayaa sidoo kale xustey in 8 ka tirsan tababarayasha kubada cagta Ingriiska kuwasoo isugu jira kuwa hore iyo kuwo weli shaqeeya ku lug leeyihiin taalabadaan sharci darada ah taasoo ay  laaluush ku qaateen kala iibsashada cayaartoyda.

Ururka kubada cagta Ingriiska ayaa warbixintaan ku noqotey mid fajaciso ah madaama muddo la dagaalamayeen musuqmaasuqa cayaaraha la xiriira.

GAROWEONLINE + WAKAALADAHA  

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM