Thomas Rosicky oo ka Fariistay Ciyaaraha Kubada Cagta

Image

Xidigii hore ee kooxda Arsenal iyo xulka Czech Republic Thomas Rosicky ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaan uu isaga fariistay ciyaaraha kubada cagta oo uu ku soo dhexjiray in kabadan toban sano.

Rosicky oo taariikh dahabi ah ku leh saaxada kubada cagta ayaa waqtigii ugu badnaa ee xirfadiisa la qaatay kooxda Arsenal, isagoo Gunners ku sugnaa toban sano .

Kabtankii hore ee xulka Czech Republic oo Arsenal kula guuleystay laba koob oo FA Cup ah ayaa sanad ciyaareedkii 2006 ku soo biiray Arsenal isagoo xiligaasi kasoo dhaqaaqay kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund.

Thomas Rosicky oo saxaafada la hadlay kadib go'aankiisa ayaa sheegay in dhaawacyo joogto ah ay ku qasbeen in xili hore uu ku dhawaaqo ka fariisashada kubada cagta kooxdii ugu danbeysay ee Rosicky uu tartan caalami ah ka soo muuqdana waxay ahayd kooxda Sparta Prague oo ka dhisan dalkiisa.

"Ma awoodi doono in aan isku diyaariyo kulan kubada cagta ah waxa uu ahaa go'aan dhaawaca uu ii horseeday," ayuu yiri Rosicky.

"Waxaan ku faraxsanahay waqtiga aan ku soo qaatay xirfada kubada cagta waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhamaan kooxaha aan ku soo qaatay waqtigeyga kubada cagta," waxaa sidaasi sheegay Rosicky.

Xidigan ayaa 264 kulan ka soo muuqday kooxda Arsenal isagoo Gunners u dhaliyay 28 gool intii u dhexeysay 2006 ilaa 2016.

Rosicky ayaa soo noqday kabtanka xulka Czech Republic isagoo xulkiisa soo matalay shan tartan oo caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM