UEFA oo baaritaan ku heysa Laacibka Dani Carvajal

Image

GO SPORTS - Daafaca qaranka La Roja iyo kooxda Los Blancos Dani Carvajal ayaa wajahaya baaritaan dheer oo ay ku hayaan waaxda asluub wanaagga ee xiriirka kubada cagta qaarada Yurub ee UEFA.

Carvajal ayaa kaarka jaallaha ah loo tagay ciyaartii kooxdiisa Real Madrid todobaadkan guuldaro qaraar ay dhabarka u saartay kooxda ka dhisan Jaziirada Qubrus ee Apoel Nicosia kulan Champions league ka tirsanaa.

Artur Dias Soares oo ahaa garsoorihii dhex-dhexaadiyay kulankii Real Madrid iyo Apoel Nicosia ayaa kaarka jaallaha ah ku abaal mariyay Carvajal kadib markii uu si barer ah u daahiyay kubad Gacan tuur ah oo ay heshay Kooxda Apoel Nicosia Dabayaaqadii Ciyaartaasi.

Waaxda asluub wanaaga ee UEFA ayaa hada baaraya in xidigaasi uu si bareer ah u qaatay kaarka jaallaha ah waxaana xidigaasi qaban doono qodobdka 15-aad ee ku xusan sharciga asluub wanaagan ee UEFA.

Jaalahan uu qaatay Carvajal ayaa ka  dhigan jaalihii 3-aad ee uu ka qaato Champions league waxaana uu maqnaan doonaa kulanka 6-aad ee Champions league oo kooxdiisa ay la balansantahay kooxda Borussia Dortmund.

Ganaaxa xidigan ayaa ku soo beegmaya xili uu todobaadyo ka hor ka soo kabsaday xanuun dhanka Wadnaha ah oo mudo garoomada uu kaga maqnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM