West Bromwich Albion oo ku dhawaaqday macalinkeeda cusub

Image

Kooxda kubada cagta ee ​West Bromwich Albion ayaa maanta ku dhawaaqday macalinka cusub ee kooxdaasi waxaana la magacaabay tababarihii hore ee kooxda Newcastle United Alan Pardew.

Pardew ayaa 2 sano oo heshiis ah qalinka ugu duugay kooxda ​West Bromwich Albion heshiiska uu kooxdaasi lagalay ayaana idlaan doona dhamaadka xili ciyaareedka 2019/2020.

Tababaraha cusub ee kooxda ​West Bromwich Albion ayaa sidoo kale wuxuu kooxdaasi keenay John Carver oo noqon doona caawiyihiisa waxaana xusid mudan in ay ka soo wada shaqeeyeen kooxda Newcastle United.

Kooxda West Bromwhich Albion ayaa horaantii bishan November shaqada kooxda ka burisay tababare Tony Pulis oo kooxdaasi mudo soo hogaamiyay kooxda ayaana laga diray kadib guuldarooyin is xig-xigay oo kooxdaasi soo gaaray.

Kooxdan ayaa fadhisa kaalinta 16-aad ee kala sareynta jadwalka horyaalka England waxaana ay aruurdsdeen 12 dhibcood 14 kulan oo xagaagan ay ka ciyaareen horyaalka Premier League.

Tababaraha cusub ee kooxda West Bromwhich Albion Alan Pardew ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in loo magacaabo macalinka cusub ee kooxdaasi isagoo balan qaaday in kooxdaasi uu tayeyn doono.

John Williams oo ah milkiilaha kooxda West Bromwhich Albion ayaa sheegay in uu tababaraha cusub ee kooxdiisa uu qibrad fara badan ka heysto horyaalka England isla markaana kooxo uu soo leyliyay ilaa 300 oo kulan oo Premier League ah.

Gary Megson oo ah tababare ku xigeenkii kooxdaasi inta uu joogay tababare Pulis ayaa kooxdaasi si kumeel gaar ah u soo leyliyay kulamadii ay la ciyaareen kooxaha Newcstle United iyo Tottenham Hotsbur oo labada bar-baro ay la dhaafi waayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM