Xiriirka kubada cagta Cameroon oo Ceyriyaya Tababarihii xulkaasi

Image

Xiriirka kubada cagta dalka Cameroon ayaa shaaciyay in ay ceyriyeen tababarihii xulka Cameroon Hugo Broos oo xulkaasi ku hogaamiyay koobka qaramada qaarada Afrika ee sanadkan.

Hugo Broos ayaa xulka Cameroon hogaaminayay 10-kii bilood ee la soo dhaafay isagoo la gaaray guulo muhiim ah laakiin xiriirka kubada cagta Cameroon ayaa shaqada macalinimo ee xulkaasi ka ceyriyay Hugo Broos oo ah tababare Belgium u dhashay.

Xiriirka kubada cagta Cameroon ayaa lagu sheegay in shaqada macalinimo ee xulka Cameroon laga ceyriyay Hugo Broos oo xukaasi 10 bilood maamulayay waxaa sidoo kale warka ka soo baxay xiriirka loogu mahadceliyay tababaraha la ceyriyay oo Cameroon guulo waaweyn ku hogaamiyay.

Xulka Cameroon ayaa bishii February ee sanadkan ku guuleystay koobka qaramada qaarada Afrika waxaana xiligaasi hogaaminayay tababaraha shaqada laga ceyriyay ee Hugo Broos oo xiligaa hanaan wanaagsa ku hogaaminayay xulka Cameroon.

Warbaahinta dalkaasi ayaa laga soo xiganayaa in sababaha Hugo Broos ay ugu weyntahay kadib markii xulka Cameroon ay isaga hareen dhacdada ugu xiisa badan kubada cagta ee koobka aduunka oo bartamaha 2018 shumaciisa laga daari doono magaalada Moscow.

Sidoo kale ceyrinta tababarihii qaranka Cameroon ayaa imaatay kadib markii ay is afgaran waayeen qaar kamid ah ciyaartooyda ugu muhiimsan xulka Cameroon waxaana la sheegay in ciyaartooydaasi ugu danbeyn ay diideen matalidda qarankooda Cameroon inta uu maamulayo tababarayo Tababare Hugo Broos oo ugu danbeyn shaqada maanta laga ceyriyay.

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM