Puntland iyo Koonfur Galbeed oo barbaro galay
MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan ciyaareedkii u dhaxeeyay Puntland iyo Koonfur Galbeed ee ka tirsanaa Group-ka B ee tartanka kubadda cagta maamulada iyo gobolka Banaadir ayaa kusoo dhamaadey barbaro 1-1.
Natiijadan waxay ka dhigan tahay in Jubaland ay ka hartey koobka.
Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa ku biiraya Gobolka Banaadir iyo Galmudug kasoo baxay Group B isla markaana iska xaadiriyey wareega afar dhamaadka.
Puntland ayaa 27-ka December, 2020 waxay wajaheysa Galmudug, halka Koonfur Galbeed ay 28-ka December, 2020 la ciyaari doonto Gobolka Banaadir.
GAROWE ONLINE