Afar arrimood ka ogow nidaamka Federaaleynta Maaliyadda
MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku-raacay in la qaato mabaadi’da Federaaleynta Maaliyadda, sidda ku xusan war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii ay ku yeesheen magaaladda Baydhabo.
Kulan-madaxeedkan uu guddoomiyey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kasoo muuqdey hogaamiyeyaasha maamulada marka laga reebo madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.
Sidoo kale, ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, ku xigeenkiisa Saalax Jaamac, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, ayaa goobjoog ka ahaa wadahadalada.
Mabaadi’da Federaaleynta Maaliyadda (Principles of Fiscal Federalization) ayaa waxay ka kooban tahay laba qeybood oo kala ah; (1) Astaynta iyo cayimidda ilaha dakhliga, (2) Wadaagga Dakhliga.
Si kale haddii loo dhigo, maamul-daadejinta maaliyadda waa in mas'uuliyadda maamulida kharashaadka iyo qoondaynta dakhliga lagu wareejiyo dowladaha hoose.
Wadamo badan oo aduunka ah ayaa isticmaala nidaamkan waxaana Soomaaliya ugu soo dhow Itoobiya wallow kan xukuumadda Addis Ababa uu ku saleysan yahay hanaan qowmiyadeed.
Laba hey’adood oo kala madaxbannaan ayaa looga maarmin hannaanka federaalaynta maaliyadda kuwaasoo kala ah (1) Hay’adda Dakhliga Qaranka, (2) Guddiga Qoondeynta iyo Dardar-gelinta Dakhliga.
Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadda ayaa, sidda ku cad war-murtiyeedka, ku heshiiyey in la aas-aaso hay'adahan si loo dhaqan-gelin karo maamul-daadejinta nidaamka maaliyadeed ee waddanka.
Hase ahaatee, dhaqan-gelinta ayaa ah mawduuc wali taagan maadaama Puntland aysan goobjoog ka ahayn kulankan loona diray ergo ay hogaaminayaan hogaamiyeyasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.
Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa u gadoodsanaa Villa Soomaaliya tan iyo markii uu waayay xilalka madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya waxaana uu hoos-u-dhacay wadashaqeynta dowladda federaalka.
GAROWE ONLINE