Arrimaha siyaasadeed ee ku wareegsan qadiyada Laascaanood
HARGEYSA, Somaliland - Tan iyo markii ay bilowdeen banaanbaxyada nabdoon looga soo horjeedo Somaliland ee magaalada Laascaanood, waxa sii xoogaysanaya xaalada siyaasadeed ee ka jirta xarunta gobolka Sool.
Garaado muddo dheer ka soo horjeeday joogitaanka maamulka Hargeysa oo tagay magaalada ayaa shir saddexda casho soo aadan soconaya uga furmayaa Laascaanood Arbacada maanta ah.
Ajandaha ugu weyn ayaa ah talada iyo aayo ka tashiga gobolka Sool iyo bulshadda degaanka. Inkasta oo aan ilaa hada si cad loo sheegin mawqifka rasmiga ah ee shirka iyo qodobada la filaayo in ay ka asoo baxaan, hadana waxa la saadaalinayaa in ay ka soo baxaan qodobo liddi ku ah Somaliland, iyo in ay faraha kala baxaan maamulka gobolka.
Bulshada Magaalada Laascaanood ayaa si weyn usoo dhaweeyay Garaadada Gobolka Sool, iyaga oo ka maqnaa magaalada Laascaanood mudo gaareysa in ka badan 15 sano oo ay Somaliland gacanta ku haysay.
Dilalka qorsheysan ee Laascaanood
Laascaanood waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah magaalooyinka Soomaalida ee ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee qorsheysan. Haddii aan waqtiga dib u celinno, 1969-kii waxaa lagu dilay magaaladan madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Balse laga soo laga soo bilaabo 2010-kii waxaa soo xoogeysanayay dilalka qorsheysan ee lagu beegsano shaqsiyaad deggan magaalada oo ay geysanayeen dabley aan la aqoonsan.
Sanadkan oo kaliya, lix qof oo ah dad si wayn looga garanayo magaalada ayaa la khaarijiyay. Qofkii ugu dambeeyay ee la dilo ayaa ahaa Cabdifitaax Hadraawi, kaasoo ahaa nin dhalinyaro ah oo haldoor ahaa, sidoo kalana siyaasi ahaa.
Dilkiisa ayaa kiciyay dareenka shacabka magaalada, kaas oo horseeday dibadbaxyo si nabad ah ku bilowday balse markii dambe isu beddelay kuwo dhimasho sababay ka dib markii isku dhac uu ka dhex dhashay booliska iyo dibad baxayaasha.
Illaa iyo hadda inta la shaaciyay dibadbaxyadaas waxaa ku dhintay 22 ruux halka tiro intaas ka kalena waa ay ku dhaawacmeen. Dadka ugu badan ee waxyeeladda ay soo gaartey ayaa ah shacab.
Culeyska fuulay xukuumadda Biixi
Xaalada Laascaanood ayaa culeys siyaasadeed saartey xukuumadda Musue Biixi Cabdi iyadda oo laga cabsi qabo in ay dib-u-dhigto doorashadii Ururada iyo Doorashadii Madaxtooyada, sidda ay qabaan dad xog-ogaal ah.
"Mucaaradka Somaliland ayaa la odhan karaa waxay ku leeyihiin door wayn oo lama ilaawaana, waxanay ka faa'iidayaan in aanay doorasho ururo iyo mid madaxtooyo ka dhicin Somaliland, si ay iyaguna u sii ahaadaan xisbi maadama oo uu ka dhacay liisankii ay haysteen muddo toban sano ah, waxanay ka baqanayan in ay ku haraan doorasho hadii ay galaan," ayay raaciyeen.
Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda Biixi waxa ku jira siyaasiyiin leh damac kuwaas oo doonistooda ay meesha ka baxayso haddii la galo doorasho Ururo, siyaasiyiintaasna waxa ugu weyn Maxamed Kaahin Axmed oo ah wasiirka arrimaha gudaha, oo ay saaxiib dhow yihiin madaxweyne Biixi, halgan dheer oo siyaasadeedna ay soo galeen.
Kaahin ayaa doonaya in uu gudoomiye ka noqdo xisbiga kulmiye, musharaxnimadana uu uga tanaasulo madaxweyne Muuse Biixi, hasa yeeshee hankaasi waxaa dilay Biixi oo mar kale isagu musharax u ah xisbiga Kulmiye, waana sababta keentay in ay is-khilaafaan.
Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Kaahin uu kamid yahay dhowr siyaasi iyo mas'uuliyiin kuwaasoo gadaal ka riixaya in Garaadada ay galaan gobolka Sool iyo Laascaanood ayna ku qabsadaan shirar aayo-ka-tashi ah.
GAROWE ONLINE