Faallo: Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa dowladnimo oo ku kooban deegaanno gaar ah
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddadii uu xilka hayey nidaamka dowladnimada Soomaaliya ku koobay deegaannada ay degaan beelaha uu siyaasadda ahaan ku tiirsan yahay, halka maamul-goboleedyada kale ee qaybta ka ah nidaamka federaalka uu ku hayey qalalaase siyaasadeed iyo weerarro lagu adeegsanayo hantidii qaranka Soomaaliyeed iyo taageeradii dalalka saaxiibka ahi ugu talagaleen dib-u-dhiska Soomaaliya.
Xasan Sheekh waxaa markii labaad xilka loo doortay 15-kii May 2022, wuxuuna si rasmi ah ula wareegay 23-kii May 2022. Tan iyo xilligaas, safarradiisa gudaha dalka waxay si gaar ah ugu soo noqnoqdeen inta badan Galmudug, Hiiraan iyo Shabeellooyinka.
Safarkiisii labaad ee gudaha dalka wuxuu 2-dii Juun 2022 ku tegay Dhuusamareeb, kaddib laba maalmood oo uu ku sugnaa Baydhabo.
24-kii Nofeembar 2022 wuxuu booqday Nuur-Dugle oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, waxaana maalmahaas safarkiisa ku jiray Masaajid Cali-Guduud iyo deegaanno kale.
Sannadkii 2023 wuxuu muddo dheer ku sugnaa Dhuusamareeb, isaga oo halkaas ka waday hawlaha dagaalka. 3-dii Sebtembar 2023 wuxuu Dhuusamareeb uga ambabaxay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
1-dii Abriil 2024 wuxuu booqday Xarardheere iyo Ceeldheer oo ka tirsan Galmudug
18-kii Maarso 2025 wuxuu tegay Aadan-Yabaal, halka 20-kii Maarso uu dib ugu laabtay furimaha Shabeellaha Dhexe. Bishii Maarso 2026 wuxuu sidoo kale tegay gobolka Shabeellaha Hoose.
Safarradaas soo noqnoqday waxay dadka la socda siyaasada Xasan Sheekh ku tilmaameen kuwo loogu talagalay in bulshada loogu muujiyo inuu weli yahay madaxweynaha deegaannadaas, halkii uu si isku mid ah u meteli lahaa dhammaan qaybaha dalka iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka. Waxay ku doodayaan in hab-dhaqankiisu weli xambaarsan yahay siyaasaddii iyo kala-qaybsanaantii laga dhaxlay dagaalladii sokeeye.
Doorka Ra’iisul Wasaaraha
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda muddo-dhaafka ah, Xamse Cabdi Barre, wuxuu xafiiska ku yimid nidaamka awood-qaybsiga beelaha ee 4.5. Taas macnaheedu waa inuu dhinaca awood-qaybsiga ku metelo beelaha Daarood.
Hase yeeshee, mudadii uu xafiiska joogey Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu qayb weyn ka qaatay xasillooni-darrada ka taagan maamullada ay degaan bulshooyinka uu nidaamka 4.5 ku metelo. Waxay ku tilmaamayaan inuu yahay nin ku adeega aragtida kooxda Xasan Sheekh, kuwaas oo qorshahoodu yahay inay Soomaaliya ka dhisaan nidaam uu hal qof ka taliyo.
Sida falanqeeyaasha siyaasadu qabaan, nidaamka doorashada ee kooxdu doonayso wuxuu u eg yahay mid laga soo min-guuriyey qaar ka mid ah dalalka deriska ah—hal xisbi oo talada haya iyo doorashooyin gacan-ku-rimis ah oo natiijadooda hore loo sii go’aamiyey.
Maxaa safarka Galmudug ku soo beegay xilligan?
14-kii Agoosto 2026, Xasan Sheekh wuxuu safar kale ku tegay Dhuusamareeb. Safarka ayaa ku soo beegmay xilli uu fashilmay qorshihii kooxda Villa Somalia ee ahaa inay qalalaase siyaasadeed iyo amni-darro kaga abuuraan gudaha Puntland.
Dadka siyaasadda indha-indheeya ayaa safarkan ku tilmaamay isku day uu Xasan Sheekh ku qarinayo guuldarrooyinkii ka soo gaaray qorshihii lagu burburin lahaa Puntland.
17-kii Agoosto, safarkiisu wuxuu maray Xananbuure, Godinlabe, Cadaado iyo Galinsoor, isaga oo ku sii jeeday koonfurta Gaalkacyo.
Booqashadu waxay ku koobnayd deegaannada ay degaan beelaha Habargidir, oo ah bulshada ugu badan ee dagta maamulka Galmudug, isla markaana inta badan lagu tilmaamo inay yihiin saldhigga siyaasadeed ee Xasan Sheekh tan iyo markii dib loogu doortay xafiiska. Safarku ma gaarin inta badan deegaannada ay beelaha Daarood ka degaan Galmudug.
Nabadda Mudug iyo kaarka ugu dambeeya
Beelaha walaalaha ah ee wada dega gobolka Mudug, gaar ahaan dhinacyada Galmudug iyo Puntland ee Gaalkacyo, waxay muddo dheer ku wada noolaayeen nabad. Siyaasiyiinta labada dhinac ayaa sannadihii dambe dadaal badan geliyey soo afjaridda colaadaha beelaha ee gobolka.
Hase yeeshee, dadka siyaasadda falanqeeya qaarkood ayaa sheegaya in Xasan Sheekh, isaga oo ciyaaraya kaarkiisii ugu dambeeyey, uu safarkan ku doonayo inuu dib u soo nooleeyo colaadaha beelaha wada dega Mudug.
Colaadaha noocan ah waxay gobolka ka jireen muddadii hore ee uu Xasan Sheekh xilka hayey. Sannadihii dambe waxaa la sameeyey dadaallo lagu soo afjarayo, waxaana arrintaas qayb weyn ka qaatay Madaxweynihii Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, oo muddadii uu xilka hayey ilaaliyey nabadda gobolka Mudug iyo wada-noolaanshaha bulshooyinka ku dhaqan Gaalkacyo.
Qoorqoor waxaa xilka looga qaaday nidaam doorasho oo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin, kaas oo Xasan Sheekh doonayo in dalka looga hirgeliyo nidaam hal xisbi ahi talada ku hayo, una eg nidaamkii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee muddadii taliskii kelitaliska ahaa.
Ninka lagu beddelay Qoorqoor waa Liibaan Shuluq, oo xisbiga Xasan Sheekh u magacaabay inuu hoggaamiyo Galmudug. Su’aalaha hadda taagan waxay ku saabsan yihiin in Liibaan Shuluq awoodi doono inuu sii ilaaliyo nabaddii Gaalkacyo iyo gobolka Mudug ee Qoorqoor muddadii uu xilka hayey ka shaqaynayey.
Liibaan Shuluq wuxuu ka soo jeedaa beelaha dega gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. Dadka dhaliila ayaa sidoo kale ku eedeeya inuu ahaa ninkii qaabilsanaa dhaqaalaha uga iman jiray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya qaadka Miiraha ee laga keeno Kenya.
Haddaba, Liibaan Shuluq ma noqon doonaa hoggaamiye ka shaqeeya amniga, nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshooyinka gobolka Mudug, mise wuxuu noqon doonaa nin ku shaqeeya nidaamka iyo qorshaha kooxda Xasan Sheekh kaddib marka uu xilka kala wareego Qoorqoor?
Su’aalaha taagan
Maxaa keenay in safarka Xasan Sheekh uu ku koobnaado deegaannada ay degaan bulshooyinka taageera siyaasaddiisa?
Maxay booqashadu u wada gaari weyday deegaannada ay beelaha kale ka degaan Galmudug?
Maxaa safarka koonfurta Gaalkacyo ku soo beegay xilli uu fashilmay qorshihii lagu qalqalgelinayey Puntland?
Booqashadani ma safar nabadeed iyo mid dowladnimo baa, mise waa farriin siyaasadeed oo loogu talagalay Puntland?
Xasan Sheekh ma doonayaa inuu xoojiyo nabadda beelaha walaalaha ah ee Mudug xiligaan oo xilka ku haysto muddo dhaaf, mise wuxuu dib u furayaa dhaawacyadii colaadaha hore?
Liibaan Shuluq ma sii ilaalin doonaa nabadda Gaalkacyo iyo wada-noolaanshaha bulshada kaddib marka uu xilka kala wareego Qoorqoor?
Ma noqon doonaa hoggaamiye ka shaqeeya amniga iyo xasilloonida beelaha wada dega Mudug, mise wuxuu Galmudug ku maamuli doonaa nidaamka iyo qorshaha kooxda Xasan Sheekh?
Ugu dambayn, Xasan Sheekh Madaxweynihii hore ee Soomalaiya ma isu arkay mudadii uu xilka hayey hoggaamiye Soomaaliyeed oo dadka iyo deegaannada dalka si siman u metela, mise madaxweyne ay dowladnimadiisu ku koobaneyd deegaanno iyo beelo gaar ah?
GAROWE ONLINE