Halis ku xeeran rajada Soomaaliya ee deyn cafinta oo laga digay
MUQDISHO, Soomaaliya - Khilaaf siyaasadeed oo kasoo dhex-cusboonaaday dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland, ayaa halis gelin kara rajada ah in Soomaaliya laga cafiyo deymaha adduunka ee IMF iyo deeq-bixiyeyaasha kale ee caalamiga ah dhamaadka sanadkan 2023, sidda ay ka digteen saraakiisha iyo khubarada maaliyadda.
"Xoojinta daah-furnaanta maaliyadeed ma aha shardiga kaliya horyaalla Soomaaliya si ay u hesho deymo cafis oo keliya balse sidoo kale waa shuruud ku xiran in ay hesho Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF ka hesho deymo kale oo badan," ayuu VOA-da u sheegay Xuseen Cabdikariim, la taliyihii hore ee madaxweynaha Soomaaliya.
Xuseen ayaa intaas waxa uu ku daray: "Haddii Soomaaliya ay ku guuldareysato inay sii wado horumarka joogtada ah ee ay ilaa hadda ku sameysay dib u habeynta maaliyadeed, waxay lumin kartaa rajada ah in deynta lagu leeyahay ay gaarsiiso ilaa $550 milyan halka ay ka ahayd $5.2 bilyan marka la gaaro 2023".
Bishii Febraayo 2020, guddiyada fulinta ee IMF iyo Bankiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay u qalanto deyn cafinta kadib dib u habeyn lagu sameeyay dhaqaalaha iyo hay’adaha.
Bishii Oktoobar 2022, IMF waxay sheegtay in ay Soomaaliya la gaartey heshiis heer shaqaale ah kaas oo ogolaanaya in 10 milyan oo doolar loo fasaxo dalka ku yaal Bariga Afrika, markii ay dib u eegis ku sameeyaan oo ay ansixiyaan guddiga.
Deynta ay Soomaaliya looga leeyahay dibadda ayaa lagu qiyaasay in ka badan 5 bilyan oo doolar. Mareykanka ayaa ah qaan-bixiyaha ugu badan kaasoo dhiibay aduun lacageed dhan hal bilyan oo doolarka Mareykanka.
Waddamada u qalma in ay helaan deyn-cafiska waxaa shuruuda koowaad ah in ay ballan-qaadaan isbeddel dhaqaale iyo mid maaliyadeed, iyo sidoo kale dhimista faqriga iyo xasilloonida siyaasadeed.
Hay’adda Transparency International ee aan macaash doonka ahayn ayaa Soomaaliya ku tilmaantay mid ka mid ah dalalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka.
Warbixin ay soo saartay Transparency International sanadkii 2022-ka ayay ku sheegtay in Soomaaliya ay ugu hooseyso marka laga hadlayo hanaanka daahfurnaanta dhinaca maaliyadda.
"Waxaa barbar socda rabshado joogto ah, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kala diray laba hay’adood oo muhiim u ah la-dagaalanka musuq-maasuqa," ayay raacisay warbixinta.
Aragtida Soomaaliya ayaa weli mugdi ku jirta, iyadoo la saadaaliyay in kororka wax soo saarka dalka ee 2022 uu yahay 1.9%, waa hoos u dhac aad u weyn marka loo eego 2.9% uu ahaa sanadkii 2021, iyadoo la saadaaliyay in sicir bararka uu gaaray 9% halkii uu ka ahaa 4.6% sanadkii kasii horeeyay ee 2021, sidda ay shaacisay hay'adda IMF.
GAROWE ONLINE