Maxay ka gaabiyeen madaxda ku shiray magaalada Dhuusamareeb?
FAALADA WARARKA | Madaxdii Soomaalida ee ku kulantey magaalo madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ku guuldareystey iney shacabka u muujiyaan khatarta cudurka dilaaga ah ee COVId-19 leeyahay, iyadoo caalamka ku jiro xiligaan xaalad kala xirnaan ah iyo isu socodka dadka oo la joojiyey madaama cabsi caafimaad daro jirto.
Dalka Soomaaliya waxaa si ku dayasho ah uu u joojiyey isu socodka duulimaadyada balse ficil ahaan ma jirto wax shaqo ah ee socota taasoo lagula tacaalayo la dagaalanka Covid-19.
Warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkii lagu qabtey Dhusamreeb ayaan gabi ahaanba lagu xusin khatarta cudurkaan leeyahay iyo sida dadka isaga ilaalin karaan caabuqaan dilaaga ah, halka dhinaca kale haba yaraatee aan tacsi loogu dirin dadkii Soomaalida ahaa ee u dhintey xanuunkaan gudo iyo dibad-ba, kuwaasoo ay ku jireen Abwaano, mas’uuliyiin dowadeed iyo dad wax ku ool u ahaa bulshada Soomaaliyeed.
Dhuusamreeb dhamaan kulamadii lagu qabtey kama aysan muuqan in la raacey taalooyinkii dhakhaatiirtu bixiyeen kuwaas oo ah kala fogaanshaha iyo xirashada San xirka “Mask”.
Sida xanuunkaan lagu yaqaan marka laga noqdo goobaha noocaan oo kala aha muddo 14 cisho gudahood marka laga reebo kuwa uu horey ugu soo dhacey nasiibkana u heley iney ka bogsadaan iyadoo la rumeysan yahay in madaxda sare kuwa kamid ah ku jiraan ay dad kale u xanuunsan karaan islamrkaana ugu dhiman karaan.
Dalka Soomaaliya ayaa inta la og yahay oo Wasaarada caafimaadka u sheegto hay’adaha kaalmada bixiya madaama aysan jirin baaris baahsan “Test” iyo in lala socdo dadka u dhinta tiradooda “contact tracing” waxaa xanuunkaan ku dhacey: 3,171 Qof , 1,499 ayaa ka bogsatey haka ay u dhimatey 93 Qof. Tiradaan ayaa ah dadka tagey goobaha la isku baaro ama isbitaalada.
Aduunka dadka xanuunkaan ku dhacey : 15.7M Qof, 8.95M ayaa ka caafimaadey halka 637K u dhimatey.
Hadaba hadii madaxda Soomaalidu iyo kuwa ku wareegsan ee la socoda oo taga goob kasta oo lagu shirayo aysan kala jecleyn badqabka shacabkooda aysana tusale u noqneyn iney iska ilaaliyaan xanuunkaan, su’aasha is-waydiinta leh waxay tahay yey xakumayaan markii dadku caafimaad daro u dhamaadaan?
NB: Warmurtiyeedkaan sidoo kale tacsi uma dirin dadkii Soomaalida ahaa oo ay kooxaha argagixisada ah ku dileen weeraradii arxan darada ah ee loo gaystey kuwaas oo intooda badan dhacey mudadii ay kala maqnaayeen madaxda maamulada iyo Dowlada Federaalka ah.
GAROWE ONLINE