Saraakiil ka digay afar jiho uu ka dabci karo gulufka Al-Shabaab
NEW YORK, United States of America - Bishii May ee la soo dhaafay, baarlamaanka Soomaaliya ayaa dooratay madaxweyne cusub, Xasan Sheekh Maxamuud, oo isla xilkaasi hayay intii u dhaxeysay sanadkii 2012 ilaa 2017-kii.
Tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay, wuxuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, isagoo wacad ku maray inuu ka saari doono dhulka ay haystaan, isla markaana uu ka jari doono lacagahooda.
Saraakiisha sirdoonka ayaa qiyaasaya in kooxdu ay leedahay 7,000 ilaa 12,000 oo xubnood iyo in dakhligeeda sanadlaha ah - oo ku yimaada canshuuraha ama baadda dadka rayidka ah - uu dhan yahay $ 120 milyan.
Howlgaladda ciidamadda huwanta ah - oo lagu daray taageerada cirka iyo dhulka ee Mareykanka iyo Turkiga - ayaa bilowday wax yar ka dib markii madaxwayne Joe Biden uu tababarayaal Mareykan ah u soo diray Soomaaliya.
Ciidamadaas kaliya waxay la taliyaan oo caawiyaan askarta Soomaalida mana sameeyaan hawlgallo argagixiso oo hal dhinac ah sida kii bishii hore ay fuliyeen xubno ka tirsan Navy’s SEAL Team 6 oo dilay maal-geliyihii sare ee Daacish ee waqooyiga Soomaaliya.
Dhowr sarkaal oo Soomaali, Maraykan ah iyo kuwo kale oo reer galbeed ah iyo falanqeeyayaasha ayaa New York Times u sheegay in ololaha millatari uu dardar ku socda laguna gaarey guulo la taaban karo.
Balse, mas’uuliyiin kale ayaa digniin ka bixiyay khatar muuqata, iyaga oo tusaale u soo qaatay adkaysiga Al-Shabaab, taariikhda Soomaaliya ee shaqo la’aanta, wareerka qalafsan ee hab-beeleedkeeda, iyo macaluul soo fool leh oo ay abaaruhu horseedeen.
"Sannadka soo socda, ma filayo in si weyn loo dhimo awoodda Al-shabaab," ayay tiri Heather Nicell, oo ah falanqeeye Afrikaan ah oo la shaqeeya Janes, oo ah shirkad sirdoon difaac ah oo fadhigeedu yahay London. "Waxay la qabsanayaan".
Kadib markii ay lumiyeen dhul ballaaran, Al-Shabaab ayaa weeraro rogaal celis ah ku qaaday guud ahaan dalka, iyagoo dib ula wareegay deegaano ka tirsan gobolkaasi.
Bishii Oktoobar, kooxdu waxay fulisay weerarkii argagixiso ee ugu dhimashada badnaa ee Soomaaliya ka dhaca muddo shan sano ah, waxaana ku dhintay 121 qof, ku dhawaad 300 oo kalena way ku dhaawacmeen.
Khasaarahan tiradda badan ayaa ka dhashay qarax mataano ah oo lala beegsaday wasaaradda waxbarashada ee magaalada Muqdisho, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad laba milyan oo qof, sidda ay muujinayaan qiyaasaha horudhaca ah.
GAROWE ONLINE