Xasan Sheekh iyo Xamse Cabdi oo dhaxda gashadey Puntland
KISMAAYO, Jubaland - Marar badan waa iska caadi ah in Madaxweyne iyo Ra'iisul Wasaare wada shaqayn wanaagsan ka dhaxaysa ay mowqif isku mid ah ka istaagaan arrin markaasi taagan, hase yeeshee, waxaa dhif iyo naadir ah in ay si isku mid ah ay markaliya uga hadlaan hal arrin.
Kadib markii xukuumadda Saciid Cabdullaahi Deni ay sheegtay in Puntland ay "si dowlad madax-banaan u dhaqmeyso inta dastuurka laga dhameystiro", hogaanka dowladda federaalka ayaa siyaabo kala duwan goobo fagaare ah ugu jawaabay Puntland.
Xamse oo Puntland magac ahaan usoo hadal qaadin, ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa uu ka sheegay in aanan loo joojin doonin cid kasta kasta oo jalaafo u dhigta qabyo-tirka dastuurka.
Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa Qaahira waxa uu u tagay wadahadal uu la yeeshay dhigiisa waddankaas iyadda oo ay kala saxiixdeen heshiisyo dhanka waxbarashada iyo tacliinta ah.
Isbadalka mowqifka madaxweynaha
Maalin kadib hadalka Xamse, Xasan Sheekh oo kaliya aan ayidin hadalkii ra'iisul wasaarihiisa, ayaa si lamid ah waxa uu sifeeyay diidmada Puntland, kuna sheegay in ay doonayaan "cad aysan lahayn, iyo maamuus ka sareeya Soomaalida kale".
"Ma doonayno in aan abuurto Soomaaliya uu jiro muwaadhin ka sareeya muwaadhin kale, kana xuquuq badan," ayuu ka sheegay shirka sanadlaha ah ee garsoorka Soomaaliya.
Hadalkan mid ka duwan ayuu madaxweynaha ku sheegay khudbaddii uu jeediyay maalintii koowaad ee sanadka, isaga oo madaxweyne Deni ugu cudurdaaray in uusan saxiixin heshiiskii Madasha, wuxuuna xusay in uu dib ula noqday tashi uu la leeyahay dadka Puntland.
Mowqifkii dabacsanaa ee madaxweynaha waxaa badaley go’aankii ay Puntland soo saartay kaas oo u muuqda in uu markani uu meel fog gaarsiiyay dowladda federaalka oo markii hore si uun ugu qiil dayaysay tabashadooda.
Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in khilaafka Deni iyo Villa Soomaaliya ay qeybtooda salka ku haayaan arrimo khaas ah sidda xilal heer federaal ah.
Arrimaha sii murjinaya in xalka
Deni ayaa shalay oo Sabti ahayd waxa uu magacaabay guddi uu sheegay in ay gelayaan wadaxaajoodyadda federaaleynta dalka. Hase ahaatee, ma cadda cidda ay la hadlayaan maadaama aan dadweynaha loosoo bandhigin fahfaahinta wadahadalo hoose oo Deni iyo madaxda dalka dhexmaray.
Dhanka kale waxaa aad u yar dadka u qiim samaynaya dooda xilligan ee Puntland, waxayna falanqeeyeyaal badan u arkaan arrin kasoo fushay madaxweynaha hadda xilka haya Siciid Deni, uuna doonayo in uu ku goosto miro siyaasadeed oo u gaar ah.
Arrimaha sii murjinaya in xal laga gaaro muranka jira ayaa waxaa kamid ah qaddiyadda wadahadalka Somaliland taas oo Puntland doonayso in ay goobjood ka noqoto wadahadaladda, meelna la saaro arrinka gobolada Sool iyo Sanaag.
Si kastaba ha ahaatee, geeddi-socodkii dowladnimada iyo nidaamka federaalka Soomaaliya oo kaalintii weyn ku lahayd Puntland ayaa u muuqda in uu ku laabtay halkii uu marayay sanadkii 2007-dii, xilligaas oo ahayd markii ugu horeysey oo Puntland xiriirka u jartay dowladda dhexe.
GAROWE ONLINE