Dowladda Federaalka labo sano kadib

Image

Jimce, September 12, 2014- Kadib siddeed sano oo marxalad kumeel gaar ah lagu jirey, bishii September sanadkii 2012 ayuu dalka Soomaaliya yeeshay dowlad rasmi ah oo caalamka intiisa badan ictiraaf ka heshay.

Dowladdaas waxaa madaxweyne u noqday Xasan Sheekh Maxamuud oo Baarlammaanka Soomaaliya doorteen  [Sept 10, 2012]. Soomaalida iyo beesha caalamkuba aad bay ugu riyaaqeen una soo dhoweeyeen Soomaaliyada cusub.

Labo sano ayaa hadda kasoo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Dowladda Federaalka taasoo ka dhigan in kala bar waqtigiisii uu soo dhamaaday. Labo sano kadib su'aalaha isweydiinta mudan ayaa ah:

Maxaa u qabsoomay Dowladda Federaalka? 

Maxaa ka hirgalay ballanqaadyadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh horay u sameeyey? 

Maxaase la fili karaa labada sano ee soo socota?

Dadka siyaasadda dalka u dhuun daloolaa waxay badankoodu aaminsan yihiin in Dowladda Federaalka sidii loogu hanweynaa aanay waxba ugu hirgelin, qaar kale oo fikrado taas ka duwan qabaana way jiraan.

Qormadan kooban ayaan isku dayeynaa inaan ku iftiimino waxqabadka dowladda, waxyaabaha ay ku guul daraysatay iyo weliba dhinacyada la oran karo horumar ayey ka samaysay. Waxan ku hormaraynaa meelaha ay dhaliilaha xooggani ka jiraan.

Ammaanka:

Inkastoo ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM horumarro sameeyeen, lana wareegeen dhul baaxad leh oo horay Al-shabaab uga talinaysay, hadana lama oran karo dhanka ammaanka wax badan ayaa uga qabsoomay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sanadkan 2014 waxaa aad kor ugu kacay weerarrada kooxda Dowladda dagaalka kula jirta ee Al-shabaab, weerarradaas qaar badan oo kamid ahi horay magaalada Muqdisho ugama dhicin xataa xilligii dowladdu dhowrka xaafadood ku koobnayd.

Fashilka dhanka ammaanka ee jira waxaa cadayn marag ma doonto ah u noqonaya weerradii isdaba-jooga ahaa ee lagu qaaday Madaxtooyada, Xarunta Baarlammaanka, Maxkamadda Gobolka Banaadir, Xarunta Hay'adda Nabad Sugidda iyo goobo kale oo badan.

Tiradii ugu badnayd ee xildhibaano iyo mas'uuliyiin dowladda ka tirsan ah ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey magaalada Muqdisho lagu diley, arrintaasoo horseeday in la eryo dhowr mas'uul oo madax ka ahaa hay'adaha ammaanka.

Musuqmaasuq baahasan iyo beesha caalamka oo walaacsan:

Sept 16, 2013 waxaa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub lagu soo gabagabeeyey shir dhaqaale 1.8milyan oo Yuuro gaaraya loogu yaboohay Soomaaliya.

Dhaqaalahaas oo la sheegey in Soomaaliya uga faa'iideysan doonto xasilinta dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dardargelinta adeegyada bulshada, hirgelinta nidaamka federaalka, kobcinta dhaqaalaha iyo arrimo kale, weli caalamku si rasmi ah uguma soo wareejin dowlada Xasan Shiikh madaxweynaha ka yahay.

Sababta ugu weyn ayaa ah maadaama heerka musuqmaasuqa ee ka dhex jira hay'adaha Dowladda Federaalku yahay mid aan lagu kalsoonaan karin, cabsina laga qabo in wax lays daba mariyo malaayiin doolarna loo weeciyo khasnado gaar ah.

Bishii October 2013, waxaa is casishay Yusur Abraar oo ahayd gabadhii ugu horreysey ee  noqota Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Sababaha Yusur isu casishay waxaa kamid ahaa sida ay sheegtay cadaadis qaar kamid ah mas'uuliyiinta dowladda ugu sarreeyaa ku saareen in qaab aan sharci ahayn ay ku bixiso hantida dowladda ee taala wadanka banaankiisa ugu wareejiso dad Madaxweynaha saaxiibo iyo qaraabo dhow yihiin.

Dowladda Turkiga oo iyaduna sanadihii u dambeeyey saaxiib dhow la ahayd Soomaaliya, waxay bishii February ee sanadkan shaacisay in gebi ahaanba joojisey dhaqaalihii tooska ahaa ee ay siin jirtey Dowladda Federaalka kadib markay saluugtay qaabka loo maamulo deeqaha la baxsho.

Lacag lagu qiyaaso 4.5milyan oo doolar oo xilligaas kahor si toos ah Turkigu u siin jirey bil kasta Soomaaliya ayaa la xanibay.

Kaba sii darane, waxaa jira malaayiin doolar oo wadamada Carabta qaarkood siyeen Soomaaliya, lacagtaas oo badankeedu ku dhacday akoonno gaar loo leeyahay. Qaramada Midoobay ayaa horay u shaacisay in khasnadda Bankiga Dhexe ee Dowladda Federaalka uu soo gaaro wax ka yar 20% dakhliga guud ee dowladda usoo xerooda.

Hirgelinta Federaalka iyo Dhismaha Muumullada:

Dadka dhaliila siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh waxay ku tilmaamaan inuu yahay shaqsi aad uga soo horjeeda hirgelinta nidaamka Federaalka, daliil arrintaas waxaa looga dhigaa sida Dowladda Muqdishu cadaadiska u saarto maamulladii horey u jirey iyo kuwa kusoo biiraya Federaalka.

Labada sano ee Dowladda Federaalku jirtay, waxaa dhismay hal maamul goboleed labo kalena hadda ayaa dhismahooda lagu howlan yahay, balse saddexdaas maamul midna ma aha mid ka maran gacma gacmeynta Dowladda Muqdisho oo iyadu sida muuqata aad u dooneysa inay wax kasta hoggaanka u qabato haddii taasi u socon waydana khilaaf ka dhex abuuraysa bulshada iyadoo adeegsanaysa siyaasiyiin hore iyo qabqableyaal dagaal.

Markii uu xilka la wareegey Madaxweyne Sheekh bilo kaddib waxaa khilaaf xooggani soo kala dhex galay dowladda uu hoggaamiyo iyo maamulka Puntland oo xilligaas uu madaxweyne ka ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Puntland oo sida laga warqabo ah hooyada Federaalka, qaybna ka ahayd saxiixayaashii RoadMap-ka, kaalin lixaad lehna kasoo qaadatay sidii Soomaaliya uga bixi lahayd marxaladda kumeel gaarka ah, tixgelintii ay mudnayd kama helin Dowladda Xasan Shiikh ee la doortey September 10,2012.

Waxaa Muqdisho iyo gobollada kale Koonfurta loo weeciyey saamiyo badan oo Puntland ka heli lahayd dhaqaalaha uu caalamku siiyo Dowladda Dhexe iyo weliba deeqo waxbarasho oo loogu tala galay in ardayda Soomaaliyeed si siman uga faa'iideystaan. 

Dhinaca kale waxaa isbadal iyo gacma-gacmeyn lagu sameeyey Dastuurka Somalia taasoo sababtey in xiriirka u dhexeeya dowlada Federaalka iyo Puntland go'.

Waxaa Muqdisho lagu saxiixay heshiis maamul cusub loogu samaynayo gobolada dhexe, heshiiskaas oo ay dadka iyo dowladda Puntland u arkeen mid baadil ah, wuxuu dhulka maamulkaas cusubi ka talin doono ku darayaa gobol kamid ah gobollada Puntland.

Adeegyada Bulshada iyo shaqada hay'adaha dowladda:

Marka laga tago mas'uuliyiin xilal kala duwan oo kala martabad sarreya ku magacaaban iyo shaqaale aan tiro badnayn oo soo xaadira xarumo dowladeed oo qaarkood aanba tan iyo burburkii wax dib u habayn ah lagu samayn, ma jirto ayaa la oran karaa wasaarad ama hay'ad kamid ah hay'adaha Dowladda Federaalka oo si habsami leh u shaqeysa! Waa run, wasaaraduhu way shaqeeyaan laakiin Muqdisho ma ahan dalka oo dhan, shaqada Muqdisho keliya laga qabtaana noqon mayso mid lagu qiimeeyo waxqabadka wasaarad ama hay'ad qaran.

Adeegyada bulshada oo kamid ah meelaha laga qiimeeyo waxqabadka ay dowladi dadkeeda u samaysay, wuxuu kaalinta labaad kaga jiraa meelaha Dowladda Federaalku aadka uga liidato marka laga yimaado ammaanka.

Way jiraan isbitaallo, iskuulo iyo jidad magaalada Muqdisho qaybo kamid ah ay hay'adaha Turkigu ka dhiseen, laakiin waxa aan ka hadlaynaa ma ahan hal magaalo oo qura.

"somalia Muqdisho ma aha dowladana ma aha Muqdishu oo lagu harqiyo dhamaan deeqaha caalamka siiyo Somalia" sidaas waxaa yiri Cabdulahi Maxamad oo ah siyaasi ku nool magaalada Bosaso

Maxaa lagu guulaysatay?

Dhanka xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay caalamku wuu soo hagaagay labadii sano ee ugu dambeeysay, dalal badan ayaa safaarado ka furtay Muqdisho, taas bedelkeeda safiirro badan ayaa loo diray caalamka. 

Meelaha kale ee Dowladda Federaalku horumarka ka samaysay waxaa kamid ah in deegaano badan laga saaray Ururka Al-shabaab iyo weliba in gargaarka bini aadamnimada la gaarsiiyey degmooyin iyo tuulooyin aad ugu baahnaa.

Maxaa la filayaa labo sano kadib?

Madaxda Dowladda Federaalku iyo beesha caalamka xafiiskeeda UNSOM waxay si joogto ah ugu celceliyaan in marka la gaaro sanadka 2016 dalka doorasho laga qaban doono, rajadaas oo dadka qaar aad ula fog marka laga qiyaas qaato sida uu xilligan xaalku yahay.

Waxaa lays weydiin karaa sidee dalka doorasho uga dhici kartaa iyadoo ammaanku xun yahay, nidaamkii Federaalku weli si dhamaystiran dalka uga hirgelin, dhaqaale xumo jirto, hay'adaha dowladdu si habsami leh u shaqeyn dastuurkiina uu qabyo yahay weliba aad loo gacma gacmeeyey?!

Saadaasha, waxaa suurogal ah in labada sano ee soo socda uu sii xoogeysto khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamullada kale ee dalka ka jira gaar ahaan Puntland iyo Jubaland, haddii aan arrimaha laysku diidan yahay si dhaqso ah xal looga gaarin.

Waxaa suurogal ah in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli oo haddaba xiriirkooda laga fiican yahay ay sii kala boodaan madaama mid walba leeyahay qorshe ka dambeeya 2016.

Dhaqaalihii Soomaaliya loogu ballan qaaday shirkii New Deal ee Brussels oo weli dalalkii horay ugu yaboohay aanay bixin ayaa isna loo badinayaa inuu sii xayirrnaan doono.

Al-shabaab oo dhul badan laga saaray welise aan la oran karin waa la jebiyey ayaa laga yaabaa inay soo qaadaan weerarro abaabulan, sida kuwii lagu soo qaaday madaxtooyada iyo xarunta Baarlammaanka.

Waa sii fogaan doonta rajadii laga qabay in Dowladda Federaalku wadahadal natiijo wax ku ool ahi kasoo baxdo la furto Maamulka Somaliland, rajadaas labo sano kahor aad u fiicnayd.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM