Ka Waran Adigoo Ka Cararaya Gaabnaanta Haddaad Lugahaaga Jajabiso Si Aad Dherer U Hesho?
Qalliinnada lagu dheereeyo lugaha si qofka dhererkiisu u kordho ayaa si weyn ugu soo badanaya dalka Turkey, halkaas oo boqolaal qof oo ajaanib ah – gaar ahaan rag – ay u safraan si ay u maraan qalliinkan adag ee qurxinta jirka ah.
Rag badan oo ka imanaya Yurub iyo Mareykanka ayaa lacag badan ku bixiya xirmooyin caafimaad oo ay ku jiraan qalliinka, hoy, iyo daaweyn socota bilooyin. Qalliinka ayaa lagu sameeyaa iyadoo lafaha lugaha la kala jebinayo kadibna si tartiib tartiib ah loo kala fogeynayo muddo bilo ah, si laf cusub uga dhex korto meesha bannaan.
Dhakhaatiirta sameeya qalliinkan ayaa sheegaya in dadka intooda badan ay dareemaan kalsooni darro ku saabsan dhererkooda, qaarna ay sheegeen in lagu jees-jeesi jiray xilligii iskuulka ama ay ku adkaatay xiriirrada bulshada iyo helitaanka lammaane.
Mid kamid ah xarumaha caanka noqday ee sameeya qalliinkan ayaa ku yaalla magaalada Istanbul, halkaas oo bukaanada qaarkood lagu kordhiyo dherer dhan 8 ilaa 10 sentimitir. Dhakhtarka hoggaaminaya xarunta ayaa sheegay in bukaanno badan ay u arkaan dhererka cusub mid kor u qaadaya kalsoonidooda iyo noloshooda bulshada.
Habka qalliinka ayaa ah mid aad u adag oo xanuun badan. Lafaha bowdada ama lugaha hoose ayaa la kala jebinayaa, waxaana lagu rakibayaa qalab bir ah oo gudaha iyo dibadda lugta ah. Bukaanada ayaa maalin kasta si tartiib ah u kala fogeeya lafaha, taas oo sababta xanuun iyo kala bixid ku timaadda murqaha iyo neerfayaasha.
Qaar kamid ah dadka qalliinka galay ayaa sheegay inay arrintan ku dhiirradeen kadib markii ay ku arkeen baraha bulshada sida TikTok. Nin Faransiis ah oo 23 jir ah ayaa sheegay inuu doonayay inuu ka gudbo dareenka ah inuu “gaaban yahay”, halka nin Mareykan ah oo 50 jir ah uu sheegay in arrinta dhererku ay maskaxdiisa ku haysay tan iyo yaraantiisii.
Inkasta oo qalliinkan markii hore loo sameyn jiray carruurta qaba cilladaha lafaha ama dadka lugahoodu kala dheeraayeen, haddana maanta waxaa si weyn loogu sameeyaa sababo qurxin iyo muuqaal ah.
Hay’adda caafimaadka ee NHS England ayaa digniin adag ka bixisay dadka u safraya Turkiga si ay u maraan qalliinkan, iyagoo sheegay inuu leeyahay khataro culus sida infekshan, dhaawac neerfaha ah, xinjiro dhiig, iyo xitaa naafo joogto ah.
Khabiir lafaha ku takhasusay oo ka tirsan NHS ayaa sheegay in qalliinkan aanu ahayn xal degdeg ah oo fudud, balse uu u baahan yahay bilo badan oo xanuun iyo soo kabasho adag leh. Waxa uu dadka uga digay inay khatar gelin caafimaadkooda si ay u helaan dhowr inch oo dherer ah.
Si kastaba, dalabka qalliinkan ayaa sii kordhaya, iyadoo dadka qaar ay u arkaan inuu yahay fursad ay ku beddeli karaan muuqaalka iyo kalsoonida ay naftooda ku qabaan.
GAROWE ONLINE