Aalada loo adeegsado hurinta Islaam-naceybka ku batay Hindiya

Image
Hindiya waxay hoy u tahay 1.4 bilyan oo qof, oo ay ku jiraan ku dhawaad ​​210 milyan oo Muslimiin ah.

NEW DELHI, India - Wararka been-abuurka ah ayaa ah aalada ugu weyn ee lagu huriyo Islaam-naceybka kusii badanaya dalka Hindiya, sidda ay sheegeen khuburo iyo falanqeeyeyaal ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP.

Amit Upadhyay oo ah Farmashiiste ayaa ku celceliyay sheegashada sababta ay dadka Hindiya u kordhayaan: Waxa uu aaminsan in dariskiisa Muslimka ah ay dhaleen ilmo aad u badan, sidaa darteed haweenka Hinduuga ah ayaaya mas'uuliyad ka saaran tahay in ay ayagana dhalaan caruur intaas kisii badan.

Upadhyay waa mid ka mid ah dad badan oo saameyn ku leh baraha bulshada oo ka soo jeeda caqiidada ugu badan ee Hindiya si ay u kobciyaan dhagaystayaal badan iyagoo faafinaya xogta tirakoobka beenta ah si ay u sheegtaan in dalka loo beddelayo waddan Muslimiin u badan.

"Waxaan u sheegayaa dhammaan macaamiishayda Hinduuga ah inay dhalaan carruur badan, si ay uga hortagaan Muslimiinta," ayuu u sheegay Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP.

Upadhyay, oo waqtigiisa firaaqada ah ka baaraandegaya bog caan ah oo Facebook ah isaga oo kaliya ku sugan hoygiisa oo ku yaal gobolka Uttar Pradesh.

Isla wareysiga uu bixiyey ayuu Upadhyay waxa uu ku qirtry in uu si joogto ah u daabaco fariimo xambaarsan Islaam nacaybka ee aadka loo wadaago ku dhawaad ​​40,000 oo taageereyaashiisa kamid ah

Mid ka mid ah qoraallada bishii Abriil uu faafiyey ayaa ka digay shirqool la sheegay in Muslimiintu ay "ku badinayaan dadkooda si ay ula wareegaan xukunka Hindiya."

Hindiya waxay hoy u tahay 1.4 bilyan oo qof, oo ay ku jiraan ku dhawaad ​​210 milyan oo Muslimiin ah, laakiin dhalashada ayaa hoos u dhacday guud ahaan waddankan tobankii sano ee la soo dhaafay iyada oo la socota isbeddellada caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM