Baaritaan lagu bilaabay siyaasi jeex-jeexay Kitaabka Qur'aanka

Image
Wagensveld ayaa lagu waramay in uu yahay hogaamiyaha garabka midig ee Nederland ee dhaqdhaqaaqa Pegida.

ISTANBUL, Turkiga - Dacwad-oogayaasha Holland ayaa bilaabay baaritaan ka dhan ah siyaasi ka tirsan midigta-fog kaasoo jeexjeexay bogag ka mid ah kitaabka qur’aanka kariimka ah bishii Janaayo.

Edwin Wagensveld ayaa falkan waxa uu ku sameeyay afaafka hore ee baarlamaanka dalkaas, sidda ay muujiyeen muuqaal aad ugu faafay internet-ka isaga oo Kitaabka ku qeexay “Buugga Faashiistaha”

In kasta oo Islaamka aysan dambi ka ahayn Nederlaan, dacwad oogayaasha ayaa sheegay in hadalka Edwin Wagensveld ay ka dhigan tahay aflagaado sharci darro ah oo loo geystay bulshada Muslimiinta ah.

Wagensveld ayaa lagu waramay in uu yahay hogaamiyaha garabka midig ee Nederland ee dhaqdhaqaaqa Pegida kaasoo ku caan ah beegsiga tooska ah ee soo-galoo-tiga.

Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay waaxda dacwad oogista ee The Hague waxay ku sheegtay in hadaladiisa looga shakisan yahay inay jebiyeen qodob ka mid ah xeerka ciqaabta ee Nederland "kaas oo dhigaya in si ula kac ah loo aflagaadeeyo koox dad ah diintooda ama caqiidadooda ay tahay dambi".

Hase ahaatee, bayaanka ayaan lagu soo qaadin magaca Wagensveld, sidda ay xeerinayaan qawaaniinta gaarka ah ee Nederland, balse waxaa loola jeedaa 54 jir u dhashay Holland oo ku nool Jarmalka.

"Eedeysanaha waxaa arrintan su'aalo ka weydiin doona taliska booliiska Holland," ayay dacwad-oogayaasha hoosta ka xariiqeen iyaga oo aan kala caddeyn waqtiga ay dhaceyso.

Wagensveld oo qoraal uu soo dhigay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka waxa uu ku duray baaritaanka lagu sameynayo waxana uu ku ayaa dib u ku tilmaamay falkan mid ku takri-fal awoodeed.

Eedeysanaha ayaa waxaa la xiray laba jeer oo hore sababo la xiriira nacaybka Muslimiinta. Bishii Oktoobar, ay ahayd markii uu abaabulay isu-soo-bax kale oo uu doonayay in uu ku gubo Kitaabka Qur'aanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM