Shaahu ma yahay cabitaan caafimaad leh? Cilmi-baaris laga sameeyey waxay muujinayaan natiijo kala duwan
Shaahu waa mid ka mid ah cabitaannada loogu isticmaalka badan yahay dunida. Biyaha oo keliya ayaa ka horreeya, waxaana lagu qiyaasaa in ku dhowaad saddexdii qof ee dunida ku noolba laba ka mid ahi ay cabbaan shaah.
Isticmaalkaas ballaaran ayaa muddo tobannaan sano ah saynisyahannada ku dhiirrigelinayey inay baaraan waxa shaahu ku kordhin karo caafimaadka. Daraasado kala duwan ayaa tilmaamaya in maaddooyinka dabiiciga ah ee ku jira shaahu ay xiriir la leeyihiin caafimaadka xididdada dhiigga, dhimista caabuqa jirka, nasashada maskaxda iyo kobcinta bakteeriyada waxtarka leh ee mindhicirka.
Cilmi-baarayaashu waxay si gaar ah diiradda u saareen Walxaha ka hortaga dhaawaca unugyada ama maaddooyinka lidka ku ah oksaydhaynta ( Antioxidants) iyo polyphenols-ka ku jira shaaha. Maaddooyinkan dhirta laga helo ayaa sidoo kale laga helaa bunka, kookaha, khudaarta iyo miraha.
Hal geed, noocyo badan
Shaaha cagaaran, madow, cad iyo oolong-ka, inkasta oo muuqaalkooda iyo dhadhankoodu kala duwan yihiin, dhammaantood waxay asal ahaan ka yimaadaan hal geed oo lagu magacaabo Camellia sinensis. Kala duwanaanshahooda waxaa inta badan sameeya habka caleemaha loo farsameeyo, loo qalajiyo ama loo daweeyo ka dib marka la soo gooyo.
Waxaa dhinaca kale jira cabitaannada loo yaqaan herbal tea, sida chamomile, mint, hibiscus iyo sinjibiil. Kuwaas lagama sameeyo Camellia sinensis, balse waxaa biyaha kulul lagu dhex karkariyaa ama lagu qooyaa geedo, ubaxyo iyo xawaashyo. Badankood caffeine ma laha, waxaana ku kala duwan heerarka polyphenols-ka.
Cilmi-baarista ugu badan ilaa hadda waxay ku saabsan tahay shaaha madow iyo kan cagaaran, maadaama ay yihiin noocyada dunida sida weyn looga isticmaalo. Hase yeeshee, daraasado ayaa sidoo kale tilmaamay in qaar ka mid ah shaahyada dhirtu ay yeelan karaan faa’iidooyin caafimaad.
Shaaha iyo cimri-dhererka
Mid ka mid ah natiijooyinka soo noqnoqda ee daraasadaha waaweyn ayaa ah in dadka sida joogtada ah shaaha u cabba ay celcelis ahaan leeyihiin halis dhimasho oo wax yar ka hooseysa dadka aan shaaha cabin.
Daraasad ballaaran oo lagu sameeyey Boqortooyada Ingiriiska ayaa dabagal ku samaysay ku dhowaad nus milyan qof oo da’doodu u dhexeysay 40 ilaa 69 sano muddo ka badan toban sano. Cilmi-baarayaashu waxay qiimeeyeen cuntadooda, cabitaannadooda, hab-nololeedkooda iyo xaaladahooda caafimaad.
Inta badan dadka shaaha cabayey waxay isticmaali jireen shaaha madow. Natiijadu waxay muujisay in dadka cabayey laba ilaa saddex koob maalintii ay lahaayeen qiyaastii 13% hoos-u-dhac ku yimid halista dhimashada muddadii daraasaddu socotay marka loo eego dadka aan cabin ama aad u yar cabba.
Daraasado kale oo waaweyn oo laga sameeyey Waqooyiga Ameerika, Yurub, Aasiya iyo Australia ayaa laga helay natiijooyin la mid ah.
Hase yeeshee, arrintan waxaa muhiim u ah hal digniin: daraasadahani waxay muujinayaan xiriir, laakiin si toos ah uma caddaynayaan in shaahu yahay sababta dadkaas cimrigoodu u dheeraaday. Waxaa jiri kara arrimo kale oo hab-nololeedka la xiriira oo qayb ka qaadanaya natiijada.
Wadnaha iyo xididdada dhiigga
Faa’iidooyinka ugu xiisaha badan ee shaaha laga baaray waxaa ka mid ah saamaynta uu ku yeelan karo nidaamka wadnaha iyo xididdada dhiigga.
Tijaabo lagu sameeyey 66 qof oo qaba cudurka halbowlayaasha wadnaha ayaa lagu eegay saamaynta qiyaastii saddex koob oo shaah madow ah maalintii muddo afar toddobaad ah. Marxalad kale, isla dadkaas waxay cabbeen biyo halkii shaah laga siin lahaa.
Cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen in xilligii shaaha la cabayey uu soo hagaagay shaqada xididdada dhiigga, waxaana arrintaas lala xiriiriyey kororka polyphenols-ka dhiigga ku jiray.
Tijaabooyin caafimaad oo kale ayaa sidoo kale soo jeediyey in shaaha madow iyo kan cagaaran, marka si joogto ah loo isticmaalo toddobaadyo ama bilo, ay keeni karaan hoos-u-dhac yar oo cadaadiska dhiigga ah.
Taasi macnaheedu ma aha in shaaha lagu beddeli karo daawooyinka ama daaweynta cudurrada wadnaha, balse wuxuu qayb ka noqon karaa hab-cunto caafimaad leh.
Sonkorta dhiigga iyo caabuqa jirka
Shaahu ma aha dawo looga hortago ama lagu daaweeyo macaanka nooca labaad. Si kastaba ha ahaatee, daraasado yaryar ayaa muujiyey inuu saamayn wanaagsan ku yeelan karo qaybo ka mid ah caafimaadka dheef-shiidka.
Tijaabooyin qaarkood waxay ogaadeen in shaaha madow uu yareyn karo kororka degdegga ah ee sonkorta dhiigga ka dib cuntada.
Daraasad kale oo lagu sameeyey dad qaba macaanka nooca labaad ayaa dadka qaar la siiyey saddex koob oo shaah madow ah maalintii muddo saddex bilood ah, halka kooxda kale ay cabtay biyo kulul.
Kooxdii shaaha cabtay waxaa lagu arkay koror ku yimid unugyo difaac oo loo yaqaan regulatory T cells, kuwaas oo door ku leh xakamaynta caabuqa. Qaar badan oo ka mid ah ka qaybgalayaasha waxaa sidoo kale hoos ugu dhacay C-reactive protein (CRP), oo ah calaamad dhiigga laga cabbiro oo sare u kici karta marka jirku leeyahay caabuq, dhaawac ama infekshan.
Mindhicirka iyo bakteeriyada waxtarka leh
Sayniska microbiome-ka ayaa sidoo kale shaaha u furay meel cusub oo cilmi-baaris ah.
Shaaha madow iyo kan cagaaran waxay hodan ku yihiin polyphenols. Qaar ka mid ah maaddooyinkaas waxay gaaraan mindhicirka, halkaas oo ay taageeri karaan deegaanka ay ku nool yihiin bakteeriyada faa’iidada leh.
Daraasado ayaa muujiyey in shaaha madow uu kordhin karo qaar ka mid ah bakteeriyada soo saarta waxa loo yaqaan short-chain fatty acids. Maaddooyinkani waxay muhiim u yihiin caafimaadka xiidanka, waxaana lala xiriiriyey dhimista caabuqa iyo hababka jirku u maamulo rabitaanka cuntada.
Waxaa sidoo kale jira cilmi-baaris ku saabsan xiriirka ka dhexeeya microbiome-ka iyo hormoonka GLP-1, kaas oo door ku leh dareenka dheregga iyo maaraynta sonkorta dhiigga. Hase yeeshee, cilmi-baarista qaybtan wali way sii socotaa.
Feejignaan badan, hurdo ka wanaagsan bunka?
Shaaha iyo bunkuba waxay leeyihiin caffeine, taas oo kordhin karta feejignaanta iyo awoodda qofku wax ugu fiirsado. Laakiin shaahu guud ahaan wuxuu yeelan karaa caffeine ka yar bunka, taas oo dadka qaarkood u noqon karta faa’iido.
Tijaabo lagu sameeyey 30 qof oo caafimaad qaba ayaa barbar dhigtay afar koob oo bun ah iyo afar koob oo shaah madow ah maalintii. Labaduba waxay hagaajiyeen feejignaanta iyo waxqabadka maskaxda, laakiin dadka shaaha cabayey waxaa lagu arkay carqalad hurdo oo ka yar kuwii bunka cabayey.
Shaahu wuxuu leeyahay maaddo kale oo muhiim ah oo lagu magacaabo L-theanine, amino acid laga helo shaaha madow, cagaaran iyo cad. Cilmi-baaris ayaa L-theanine la xiriirisay nasashada, dhimista walbahaarka iyo hagaajinta niyadda.
Dib-u-eegis cilmiyeed lagu sameeyey daraasado ku saabsan shaaha cagaaran ayaa sidoo kale tilmaantay inuu gacan ka geysan karo dhimista welwelka iyo taageeridda xusuusta iyo feejignaanta.
Immisa koob ayaa ku filan?
Cilmi-baarista ilaa hadda ma bixineyso tiro keliya oo qof walba ku habboon. Hase yeeshee, daraasado badan oo muujiyey faa’iidooyinka shaaha waxay ku saabsanaayeen dadka cabba qiyaastii laba ilaa afar koob maalintii.
Waxaa sidoo kale muhiim ah waxa lagu daro koobka. Shaah lagu daray sonkor badan ama waxyaabo kale oo kalooriyo badan leh ma laha isla faa’iidada koob shaah ah oo aan sonkor badan lagu darin.
Caffeine-kuna dadka isku si uma saameeyo. Dadka qaarkood wuxuu ku keeni karaa hurdo-la’aan, wadne garaac ama kacsanaan, gaar ahaan haddii shaaha badan la cabo galabtii dambe ama habeenkii.
Guud ahaan, caddaymaha saynisku waxay shaaha ka dhigayaan cabitaan xiiso gaar ah u leh caafimaadka: wuxuu leeyahay polyphenols iyo antioxidants, waxaana daraasado kala duwan lala xiriiriyey caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga, caabuq yaraanta, mindhicir caafimaad qaba iyo feejignaanta maskaxda.
Laakiin koobka shaahu ma aha dawo mucjiso ah. Faa’iidada ugu weyn waxay u badan tahay marka uu qayb ka yahay nolol caafimaad leh oo ay weheliyaan cunto wanaagsan, dhaqdhaqaaq jireed iyo hurdo ku filan.
GAROWE ONLINE