11 kamid ah ciidamada ammaanka Ethiopia oo la dilay
Xukuumadda dalka Ethiopia, ayaa sheegtay in Kow iyo Toban kamid ah ciidamada ammaanka dalkaasi lagu dilay magaalada Gonder ee Waqooyi Galbeed dalkaasi.
Dilkan ayaa yimi kadib rabshado ka dhacay magaaladaasi, waxaana dowladda Ethiopia arrintaasi ku eedaysay xukuumadda Eretria.
Warar kale oo madax banaan ayaa sheegay in arrintan ka dhalatay bannaanbax ay sameeyeen dadka kasoo jeeda qowmiyadda Amxaarada kuwaasoo diidanaa in dhulkooda lagu daro gobolka Tigreega.
Rabshadahan ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay xukuumadda Adis Ababa.
Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa saameeyay banaanbaxyo ay samaynayaan dadka Oromada ee waddanka ugu badan.
GAROWEONLINE