​13 Askari oo lagu dilay qarax ka dhacay Turkiga

Image

ANKARA, Turkey- Milateriga Turkiga ayaa sheegay in 13 askari ay ku dhinteen 48-na ay ku dhaawacmeen weerar looga shakisan yahay in loo adeegsaday gaari ay waxyaabaha qarxa saarnaayeen oo lala eegtay bas ay askartaas ku socdaalayeen.

Baska ayaa marayey magaalada ku taalla bartamaha Turkiga ee Kayseri, waxaana Sawirro TV-yada laga baahiyay muujinayaan baska oo burburay.

Ciidamadan, ayaa u socday fasaxooda todobaadka sida ay kusoo waramayaan ilo wareedyo ku sugan dalkaasi.

Weerarka ayaa ka dhacay meel aan ka fogayn jaamacadda Erciyes.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxaasi, balse waxaa loo malaynayaa inay ka dambeeyaa kooxaha mucaaradka ah ee Kurdiyiinta.

Dad badan, ayaa ku dhintay weeraro is-xig xigay oo ka dhacay magaalooyin ku yaalla waddanka Turkiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaac ka taagan Dalalka Khaliijka oo ka baqaya weerar uga imaan kara Iran

Tusaale ahaan, Baxrayn waxay hoy u tahay Xarunta Howlgalka Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bartamaha, taasoo noqon karta bartilmaameed.

  • Caalamka

    19-06-2025

  • 02:55PM

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM