​14 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Ugandha

Image

Ciidamada Booliiska dalka Ugandha iyo mallayshiyo Beeleed hubaysan Ayaan isku dhacay dalkaasi, waxaana ka dhashay khasaaro laxaad leh. 

Dhimashada ayaa la sheegay inay marayso 14 qof labada dhinacba, Hakka dhawacu intaas ka badanyahay.

Dableyda ayaa la sheegayaa inay weerar ku qaadeen saldhig boolis oo ku yaalla Kasese ee galbeedka Ugandha. 

Magaaladaasi waa meesha uu deggan yahay boqorta dhaqanka ee Rwenzururu, Charles Wesley Mumbere. 

Kooxdan Ayaan ka amar qaada Boqor Charles, sida dadka deegaanku ku warameen. 

Dadka dhintay, waxaa ku jira Sideed malleeshiyada ah iyo laba askari oo ciidamada Booliiska kamid ah. 

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa malleeshiyadaasi ku eedeeyay inay raadinayaan inay ka go'aan dalka Ugandha. 

Boqorka ayaa beeniyay inay kooxdiisa wax xiriir ah uu la leeyahay. 

Xaaladda ayaa iminka dagan, waxaana socda baaritaano ka Chan ah Mallayshida. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM