​15 ku dhimatay qarax ka dhacay Suuriya

Image

Kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee uu saldhigoodu yahay dalka Britain ayaa sheegtay in qarax ka dhacay gobolka Idlib ee uu mucaaradku ka taliyo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof tobbanaan kalana ay ku dhaawacmeen.

Kooxdan ayaa sheegtay in khasaaraha loo maleynayo inay ku jiraan dagaalyahaanada falaagada iyo ciddamada ilaalada xuduuda ee Turkiga.

Kooxda dowladda Islaamiga oo sii daayay dad la haysta u ahaaImage copyrightREUTERS

Kooxda dowladda Islaamiga oo sii daayay dad la haysta u ahaa

Qof ismiidaamiyay ayaa lagu soo waramayaa in suun uu ka soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxiyey gaari ay ku safrayeen dagaalyahanno kaas oo marayay meel u dhaw xuduuda magaalada Atmeh.

Dowladda Suuriya ayaa ku eedeysay dhigeeda Turkiga inay fududeynayso qulqulka dagalyahanada iyo saadka ay ka helaan dhulka ay heystaan ee Suuriya ee ku teedsan xududeeda.

Sidoo kale waxaa jiray warar sheegaya in dagaal kale oo culus uu ka soconayo magaalada Xalab halkaasi oo dagaalyahanada mucaraadka ay gaari miineysan u direen xaafada Zahraa ee ay maamusho dowladda.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM