15 qof oo ku geeriyootay duqayn ka dhacday Aleppo

Image
Image
Image
Image
Image

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya gaar ahaan magaalada Aleppo ayaa sheegaya in duqayn xooggan diyaaradaha ciidamada xukuumadda Bashaar Al Asad la beegsadeen goob ay ka socotay tacsiyayn loo samaynayay dad ku dhintay duqayn dhacday todobaadkii hore.

Fuustooyinka xambaara Bambaanooyinka ayaa lagu tuuray Aleppo, waxaana ku naf waayay 15 ruux oo carruur u badan halka dhaawaco gaarayo Kontomeeyo kale.

Duqayntaasi waxaa sidoo kale ku waxyeelloobay dad iyo gawaari usoo gurmaday duqayntii hore, waxaana sawirro ay baahiyeen warbaahinta maxalliga ah la arkayay dhaawacyo ku dhul dhintay naxashkii lagu waday iyo bur-bur soo gaaray baabuurta gurmadka ee Ambalasta loo yaqaano.

Dowladda Ruushka ayaa beenisay inay ka dambeeyeen duqayntaas, balse waxaa gaashaanka ku dhuftay dowladda uu hogaamiyo Bashaar Al Asad oo sheegtay inay falkaasi gaysteen diyaaradaha xukuumadda Moscow.

Bur-bur xooggan ayaa soo gaaray magaalada Aleppo, waxaana dhulka lala simay dhammaan daarihii dhaar dheeraa iyadoo ay ku nafwaayeen Boqolaal qof muddo labo todobaad ah oo ay socotay duqayn xooggan oo dhanka cirka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM