​19 Carruur Ethiopian ah oo lasoo daayay

Image

Waxaa xorriyadooda dib loo siiyay 19 kamid ah in kabada boqol carruur laga afduubtay gobolka Gambella ee dhaca xadka dalalka Ethiopia iyo Suudaanta Koonfureed.

Dhallaankan, ayaa la qafaashay bishii hore, waxaana kaxaystay rag hubaysan oo kasoo jeeda qowmiyadda Marle oo dalka South Sudan.

Kahor intaysan afduubka gaysan waxay dileen in kabadan boqol qof.

Ciidamo Ethiopian ah ayaa galay dalkaasi, iyagoo ku raad jooga kooxii dhibka gaystay, balse waxaa lagu qanciyay inaysan dagallamin.

Xukuumadda Jubba, ayaa wadahadal kula jirtay cuqaasha deegaanadaas si loo soo daayo caruurta.

Sagaal iyo toban ka mid ah caruurtii ayaa dib loogu celiyay dalkoodii Itoobiya.

Dadaalo ayaana la sameeyay si kuwo kale loo soo daayo.

Jawaabta ay ilaa iyo hadda ka bixisay South Sudan ayaa u muuqata in ay baajisay muran soo kala dhex gala dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya oo awood badan.

Arrintan ayaa dadka u dhuun daloola xaaladda labadaasi dal, waxay ku warrameen inay jiraan khilaaf soo jireen ah oo u dhaxeeya qowmiyadda Ethiopia iyo South Sudan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM