​20 qof oo ku dhintay Qarax ka dhacay Masar

Image

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Saraakiisha Booliska magaalada Qaahira ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel ku dhaw Kaniisad ay leeyihiin Qibdhiyiinta dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dad kale oo gaaraya 35 qof ku dhaawacmeen weerarka, oo qeyb ka ah qaraxyo mudooyinkii dambe ka dhacayay  Masar.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada Qaraxaasi.

Daacish ayaa jimcihii lasoo dhaafay weerar ka fulisay galbeedka Qaahir ayaa waxaa ku dhintay lix Askari oo Booliska Masar katirsanaa.

Boqolaal askari oo Boolis iyo Military isagu jiro ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay Masar wixii ka dambeeyay markii la afgembiyay dowladii Maxa'ed Morsi 2013.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM