​20 qof oo ku dhintay Qarax ka dhacay Masar

Image

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Saraakiisha Booliska magaalada Qaahira ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel ku dhaw Kaniisad ay leeyihiin Qibdhiyiinta dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dad kale oo gaaraya 35 qof ku dhaawacmeen weerarka, oo qeyb ka ah qaraxyo mudooyinkii dambe ka dhacayay  Masar.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada Qaraxaasi.

Daacish ayaa jimcihii lasoo dhaafay weerar ka fulisay galbeedka Qaahir ayaa waxaa ku dhintay lix Askari oo Booliska Masar katirsanaa.

Boqolaal askari oo Boolis iyo Military isagu jiro ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay Masar wixii ka dambeeyay markii la afgembiyay dowladii Maxa'ed Morsi 2013.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM