​22 qof oo la waayay dalka India

Image

Khasaaro xoogan ayaa dalka India ka dhacay xilli ay da'ayeen roobab sababatay inuu fatahaad sameeyo wabiga u dhow magaalada Mumbai halkaasoo lagusoo waramayo inay isku dhaceen labo bas Buundo korkeed.

Ugu yaraan 22 qof ayaa maqan ka dib markii Buundo isku xirta Mumbai iyo magaalada Goa ee Galbeedka dalkaasi duntay.

Shilka ayaa dhacay subaxnimadii hore Arbacada, waxaana lagusoo waramayaa in labada gaari oo siday dad isku dhaceen Wabiga oo kacsan islamarkaana fatahaad sameeynayay.

Saraakiil katirsan boliiska Sanjay Patil ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP, in shaqaalaha gargaarka aysan arkin dad badbaaday ama baabuur.

Roob xoogan ayaa adkeeyay howlgalka shaqaalaha badbaadada. Baabuurta ayaa loo leexiyay buundo kale oo meesha u dhow.

Op Singh, oo ah madaxa hayadda qaranka ee gurmadka degdega, ayaa sheegay in 80 qof oo shaqaale loo diray goobta oo ay ku jiraan darawalo.

Buundada go'day ayaa la sheegay in la dhisay 1940-tameeyadii mana jirin wax dayactir lagu sameeyay, waxaana dumisteeda loo aanaynayaa fatahaadda iyo shilka gawaarida isku dhacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM