​29 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Afghanistan

Image

Qarax baabuur oo aad u weyn oo ka dhacay gobolka ku yaalla koonfurta dalka Afghanistan ee Helmand, ayaa dilay ugu yaraan 29 qof, islamarkaana dhaawacay in ka badan 60 kale.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in askar iyo shaqaale dowladeed ay isugu soo baxeen dibedda bankiga New Kabul ee magaalada caasimadda u ah gobolka ee Lashkargah, si ay mushaharkooda u qaataan markii qaraxa lagu weeraray.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka, Omar Zwak, ayaa VOA u sheegay in qaar ka mid ah kuwa dhaawacmay “ay ku sugan yihiin xaalad liidata”. Waxa uu intaas ku daray in shaqaale milatari iyo kuwo rayid ah ay ka mid yihiin dhibanayaasha.

Qaraxan dhimashada badan ayaa yimid maalmo un ka hor dabaal degga ciidda ee dalka Afghanistan oo la filayo inay ku beeganto axadda.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Helmand waa gobolka ugu ballaaran ee dalka Afghanistan oo inta badan dhulkiisa ay maamulaan ama saameyn ku leeyihiin kooxda Taliban.

VOA

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM