​30 qof oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Afghnistan

Image

Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo diyaaradaha Xulufada Mareykanka ka fuliyeen waqooyiga dalka Afghanistan.

Saraakiisha dalka Afghnistan ayaa sheegay in weerarka duqeynta cirka ah uu ka dhacay gobolka Kunduz, oo ay ku xoog badan yihiin xoogaga Taliban.

Dad badan oo gaaraya 25 qof oo caruur iyo haween ay kamid yihiin ayaa ku dhaawacmay weerarka gobolka Kunduz, kaasi oo ka dhalatay carro shacab.

Boqolaal qof oo aad uga caraysan duqeynta shacabka lagu laayay ayaa dibadbax ka sameeyay afaafka xafiiska gudoomiyaha gobolka Kunduz, si ay u cambaareeyaan weerarka.

Ciidanka cirka ee Dowladda Afghanistan iyo kuwa NATO ee Mareykanka horkacayo ayaa inta badan weeraro ka fuliya gobolada qaabilka dalkaasi, waxaana mararka qaar duqeymahooda ku dhinta dad shacab ah.

Taliban ayaa weeraro ka geesta gobolka Kunduz, waxaana gobolkaasi dhowr la wareegeen sanadaihii lasoo dhaafay, kadib markii ciidankaasi halkaasi ka howlgalayay awoodooda ay wiiqeen.

Kumanaan Askari oo ajbani ah, oo ka socda dalalka reer galbeedka ayaa wali ku sugan dalka Afghanistan, kuwaasi oo qeyb ka ah ciidamadii ku duuley dalkaasi sanadkii 2001.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM