​60 ku dhimatay Dhul-gariir ka dhacay Talyaaniga

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in ugu yaraan 60 ruux ku geeriyoodeen Dhulgariir maaanta ka dhacay dalkaasi halka in kabadan 200 ruux kale la la'yahay.

Dhulgariirka ayaa cabirkiisu lagu qiyaasay 6.2, waxayna u dhaweyd halka masiibadu ka dhacday magaalada Norcia oo xuduud la lehPerugia.

Saamay ba'an ayuu gaystay dhulgariiskaasi waxaana bur-buray dhismayaal badan kuwaasoo ku hoos jiraan boqolaal kamid ah dadkii daganaa.

Waxaa walaac xooggan laga muujiyay qaabkii loogu gurman lahaa dadkii ku waxyeelloobay masiibadaasi iyadoo la sheegayo inay halis tahay waddooyinka maadama ay go'een.

Duqa magaalada Amatrice oo dhibaatada laga dareemay ayaa sheegay in cod laga maqlayo burburka, dadkana loo gurmanayo hal hal.

Gobolka Umbria, Lazio iyo Marche ayaa caan ku ah dalxiiska, waxaana halkaasi ku sugan dalxiisayaal badan.

Muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday goobtaasi ayaa muujinaya Cagaf-cagafyo lagu faagayo bur-burka guryaha, halka dadkii la bad-badaaday loo daad gureeyay meeelaha nabdoon.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM