​4 qof oo u dhimatay Sun lagu weeraray Xalab

Image

XALAB, Suuriya- Waxaa goobaha caafimaadka magaalada Xalab ee dalka Suuriya la jiifiyay bukaano kala duwan oo qaybtood ku dhaawacmeen weeraro halkaasi ka dhacay maalmihii u dambeeyay.

Dagaalkaasi oo u dhaxeeyay mucaaradka, dowladda iyo dalalka taageersan ayaa waxaa ku dhintay 4 qof.

Sun Kiimiko ah ayaa loo malaynayaa in dagaalkaasi loo adeegsaday, waxaana baaritaano ay sameeyeen dhaqaatiirtu heleen dad badan oo jirkooda ku faaftay Sun.

Suntaasi ayaa la saadaalinayaa in ay tahay kiimikada kalooriin oo hawada laga soo riday, taasoo lala eegtay qaybta mucaaradku ka joogaan magaalada.

Dowladda iyo mucaaradka Suuriya ayaa horey labaduba u beeniyay in ay hubka kiimikada ay u isticmaaleen dagaalka.

Dagaalka ayaa wali socda, waxaana jira dadaallo lagu doonayo in lagu hakiyo waqtiyada qaybtood si gar-gaar loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadooda ku sugan magaalada Xalab ay maalintii Saddex Saac howlgalka joojinayaan si gar-gaar loo gaarsiiyo dadka mucaawinada u baahan.

Xaaladda magaalada Xalab ayaa haatan u muuqata mid faraha ka baxday, waxayna daris la noqota daryanka madaafiicda iyo duqaymo joogto ah.

Kumaanaan kamid ah dadkii joogay halkaasi ayaa qaxay, halka kuwo kale ku naf-waayeen weerarada aan waqtiga lahayn ee u dhaxeeya ciidamada daacadda u ah Bashaar al-Asad, mucaaradka kuwa waddamada shisheeye.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM