​5 katisan ciidanka Kenya oo Mandheera lagu dilay

Image

Mallayshiyaad loo malaynayo inay katirsanyihii ururka Al Shabaab ayaa weerar ka gaystay deegaan katirsan degmada Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya, waxaana lagu qaaday ciidamo Kenyan ah oo ilaalo ka ah Bas.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay 5 askari, kuwaasi oo sugayey amniga gaari rakaab ah oo ku safrayey meel u dhow magaalada Ceelwaaq ee xadka Soomaaliya, markii maleeshiyada ay ku dhufteen gantaal laga soo rigay qoriga RPG ama Soomaalidu u taqaan Sabanka.

“Waxaan cambaareeneynaa weerarka ay kooxda Al-Shabaab saaka ka fuliyeen deegaanka Dimu, oo shan sarkaal lagu dilay,” Waxaa sidaas bartiisa twitter ku sheegay barasaabka Mandheera, Cali Roba.

Mallayshiyada weerarka gaysatay ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa 30 ruux, waxaana raadkoodu aaday dhinaca dalka Soomaaliya.

Ururka Al Shabaab ayaa weeraro isdaba joog ah ka gaysanayay dalka Kenya, waxaana weerarkan kusoo aaday xilli dhawaan howlgal lagu dilay madaxii ururkaas ee Waqooyi Bari Kenya, Dul-yaddayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheikh Hasina oo sheegtay inay dib ugu laaban doonto Bangladesh xili inkastoo lagu xukumay dil

Waxay sheegtay inay diyaar u tahay in la xiro ama xitaa la dilo marka ay dalka ku laabato.

  • Caalamka

    10-07-2026

  • 12:38PM

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM