​51 qof oo lagu dilay qaraxyo ka dhacay Ciraq

Image

BAQDAAD- Saddex qarax oo bambaanooyin loo adeegsaday ayaa magaalada Baqdaad ku dilay ugu yaraan 51 qof sida ay sheegeen laamaha caafimaadku, waana midkii u dambeeyay qaraxyo badan oo todobaadkii hore ka dhacay magaalada caasimadda ah.

Haweenay is qarxisay ayaa la rumaysan yahay in ay bartilmaameedsatay suuq ku yaala bariga deeganka Shacab oo ay Shiicadu ku badan tahay.

Bambooyinka kale waxay ku qarxeen suuq ku yaala Sadr oo Shiicadu ay ku badantahay.

Ururka isku magacaaba Dawladda Islaamka ee Jihaad doonka ah ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen weerarka Shacab.

Malayshiyada Dawladda Islaamku waxaa kale ooy ka dambeeyeen saddex qarax oo gaadhi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Baqdaad Jimcihii, kuwaas oo galaaftay nolosha 93 ruux, weerar kale oo lagu qaaday warshad shidaal ayaa Axaddii 14 ku dilay meel waqooyiga ka ah magaalada.

Qolyaha caafimaadku waxay sheegayaan in 100 shacab ah ay ku dhaawacmeen weerarada talaadadan maanta ah.

BBC

Related Articles

Maxay Tahay Sababta Israa’iil iyo Iiraan uga Baqayaan Dagaal Toos ah?

Julien Barnes-Dacey, agaasimaha Bariga Dhexe ee Golaha Yurub ee Xiriirka…

  • Caalamka

    21-11-2024

  • 02:41PM

ICC oo amar dul-dhigtey Netanyahu iyo wasiirkiisii hore ee difaaca

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday amar lagu xirayo oo ka…

  • Caalamka

    21-11-2024

  • 02:14PM