Afar qof oo ku dhintey qarax ka dhacey dalka Kenya

Image

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay ilaa lix kalena way ku dhaawacmeen kadib markii baabuur ay saarnaayeen dad rayid ah ay miino kula qaraxday deegaanka Madax-waraabe oo u dhow Lafey, una dhaxaysa Ceel Waaq iyo Mandera.Baabuurkan ayaa la sheegay inuu ka tagay magaalada Ceel-Waaq uuna kusii jeeday Mandera markii ay miinadu la qaraxday. 

Mid ka mid ah mas'uuliyiinta deegaanka oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadka dhaawacmay lasoo gaadhsiiyey cisbitaalka degaanka Lafey uuna ku jiro mid ka mid ah mas’uuliyiinta deegaannada oo dhaawaciiisu halis yahay.Mas’uuliyiintu waxay VOA u sheegeen in dadka dhintay ay haatan dhan yihiin 4 qof, kuwaasi oo saddex ay ku dhinteen isla goobta qaraxu ka dhacay, kan kalena uu dhintay intii cisbitaalka loo sii waday.Al-Shabaab ayaa inta badan loo tiriyaa inay ka dambeeyaan weerarradan loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso ee ka dhacay Waqooyi Bari Kenya.

VOA

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM