​Afganistaan oo lagu diley hogamiyihii ugu sareeyey IS

Image

War kasoo baxay ciidamada Afgaanistaan ayaa sheegaya in la dilay hogaamiyihii ugu sareeyey kooxda isku magacowday Khilaafada Islaamiga ah ee Daacish.

Ninkan la diley ayaa lagu magacaabi jirey Saad Imarat, wuxuuna ahaan jirey taliye ciidan oo ka mid ahaa Taalibaan.

Wararka kale ee kasoo baxayaa dalkaas ayaa caddeeyay in lala diley hogaamiyahaas ku dhawaad 120 qof oo ka tirsanaa ISIS.

Waxaa xogtu intaas ku daraysaan in goobo muhiim u ahaa Daacish sida; xarumo caafimaad, maxkamado iyo saldhigyo ciidan lagala wareegay.

Howlgalka oo wali socda islamarkaana ka bilowday degmada Kot, ayaa lagusoo waramayaa in bartilmaameedku ahaa madaxda ugu sarraysa ururkaasi.

Howgalkan ay sameeyeen ciidamada Afganistaana ayaa ahaa mid aad u ballaaran kaasoo la xaqiijiyay inuu dhabar jab xoogan ku yahay kooxaha kasoo horjeeda dowladda fadhigeedu yahay Kabul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM